Maashalla,aniga iyo intii ka digtay inaanay Somaliland ku burburin gacmaha Guurtida waanu hambalyaynayna g’oaanka guurtida ay gaadheen inaanay sanadkan dhaafin doorashada madaxtooyadu. Mudo kordhinta labada gole ee wakiilada iyo guurtida inshalla waxaa wax ka bedel iyo muraajaco ku samayn doona Xisbiga wadani inshallahu doorashada madaxtooyada ku guulaysano sanadkan. Sidaasi darteed dadweynaha iyo musharaxiinta golyaashuba ha taageeraan Wadani waxaanu balan idiinku qaadayna inaanu mudada guurtidu kordhisay ee golayaasha aanu ku samayn doono wax ka bedel iyada oo sharciga la marin doono. Si aanay marnaba u dhaafin dorashada wakiilada iyo deegaanku Si ay u dhacdo 2018 badhtan kiisa inshalla. Waxaynu ognahay inay dadweynuhu ka xun yihiin wixii ay gacmahooda ku doorteen ee degaanka iyo baarlamaanka inay ku khasaareen. Sidaasi awgeed waxaanu balan qaadayna inaanu ku hirgelino sagaal bilood gudahood in la qabto dorashada degaanka iyo wakiilada inshallahu. Xisbiga wadani waxa uu noqon doona kii wax wayn ka bedela dalka markaanu ku guulaysano madaxtooyada sanadkan inshalla. Alla mahad leh.
Somaliland: Siyaasi Aadan Dhoolayare Oo Soo Dhaweeyay Go’aanka Muddo-kordhinta Ee Ay Gollaha Guurtiddu U Sammeeyeen Madaxtooyadda Iyo Gollayaasha Wakiiladda Iyo Deegaanka.
Date: