Somaliland: Wasiir Si Badheedh Ah Ugu Cadayey Inu Cirro Yahay Wakiilka Farmaajo

Date:

Wasiir ku-xigeenka Amniga Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in ciddii ka soo hortimaada go’aanka umadda reer Somaliland ku dhidbeen dawladnimadooda ay yihiin qaran dumis, islamarkaanna  aannu jirin mudaharaad aan oggolaansho lahayn oo dalka ka dhacayaa.

Wasiirku wuxuu sidaa ku sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlayay magaaladda Hargeysa, waxaanuu yidhi;“Arrintaasi aragti ma leh, wixii aannu sheegaynay ayuu caddaystay, inuu nimankaa iyaga ah la qabo hawsha oo ay wada waddaan oo uu wakiil ka yahay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayuu caddaystay”ayuu yidhi.

Sidoo kale, Wasiir duwluhu wuxuu sheegay in mudaharaadka uu soo abaabulay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxaanuu yidhi;“Mudaharaadka waxa ka danbaysay dawlada Soomaaliya oo waxa ku dhawaaqay Madaxweye Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo wuu diidanna oo dawladuu u tagay, wuxuu waydiistay hawsha iyada ah in la joojiyo. Ninkii caynkaasi ahaa ama ninka reer Somalilanda ah ee xisbi hoggaaminaya ama siyaasi ah ee arrinta taabtaa waa  niman la qabaa arrinkaa oo ay isku hadaf yihiin. Waxaan aqoonsannahay in nimankaa aynu is hayno, laakiin keenna halkan (Hargeysa) jooga waxaan aqoonsanahay inuu qaran dumis yahay oo uu ka soo horjeedo ummadani go’aankii ay qaadatay 1991-kii.”Sidaa ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye.

Dhinaca kale, Maxamed Muuse Diiriye wuxuu sheegay in aannu jirin mudaharaad aan oggolaansho haysanin. “Mudaharaad aanay umadu oggolayn la qaban maayo, mudaharaad aan ruqsad haysan oo aan la oggolayn la oggolaan maayo. Mudaharaad qarankan lagu duminayo la oggolaan maayo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...