Somaliland: Suuqa Madow Ee Sarrifka Lacagaha Oo Xoogaystay Iyo Digniin loo Diray Cidda Fulin Wayda Digreetadii Madaxweynaha.

Date:

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadlay suuq madow oo la sheegay in ganacsatada isku beddesha lacaguhu ku isticmaalaan sarrifka dollarka, kaasi oo sicir-bararkiisu dib ugu noqday meel sare oo uu hore u gaadhay, iyadoo halka doollar la qiimo noqday 8000 SLSH ah.

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Md. Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), ayaa sheegay inay tallaabo ka qaadayaan suuqyada madow ee lagu sarrifo lacagta dollarka caasimadda Hargeysa iyo ganacsatada aan ku dhaqmin wareegtadii Madaxweyne Siilaanyo ka soo saaray wax-ka-qabashada sicir-bararka iyo dejinta sicir-bararka doollarka hoos u riday qiimihii lacagta shillinka Somaliland.

Md. Cabdillaahi Jibriil Buraale oo la hadlay telefishanka Qaranka Somaliland shalay, waxa uu yidhi, “Go’aankii Madaxweynaha iyo xukuumadda waxaan odhan karaa dadkii wax way fuliyeen, waxna may fulin, waxaan halkan ka xasuusinayaa dadweynaha reer Somaliland ee gobollada, degmooyinka, tuulooyinka iyo caasimadda, waxaan u hambalyeynayaa intii fulisay ee ku dhaqantay go’aanka Madaxweynaha, waxaannan u digayaa inta ilaa hadda ka dhego-adaygaysa, in badan baanu digniino soo jeedinay, dadweynaha lacagta bixinaya waxaannu leenahay lacagteennii Somaliland baad sidataane idinku dollar ha la horyaacinee ganacsadaha diida u soo sheega hay’adaha ammaanka, booliska iyo xafiiska gobolkuba waa idiin diyaar. Waxaan leeyahay walaalayaal aamina shillinka lacagtiina Somaliland.”

Waxa kaloo uu ku dhiirrigeliyey ganacsatada wareegto gobol ahaan ay ka soo saareen adeegyada bulshada ee aasaasiga ah in lagu isticmaalo lacagta shillinka Somaliland. Dhinaca kale, Badhasaabku waxa uu dhaliil u jeediyey xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI kadib markii uu taageeray mudaharaad ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska Khamiistii oo lagaga soo horjeeday saldhigga Millatariga Imaaraadka ee laga siiyey madaarka diyaaradaha ee magaalada Berbera, kaasi oo uu ku tilmaamay inay abaabulayeen dad reer Soomaaliya ah.

“Aad iyo aad baan uga xumahay mucaarad waddankiisii u soo raacaya cadow oo weliba masuuliyiinta qaar ka mid ahi intay tv-yada soo fadhiistaan ku faannaya inay yidhaahdaan waxaannu ka abaabulaynaa halkaa mudaharaadka, waad ogtihiin dadkaasi waa reer Soomaaliya, waxay huwanyihiin oo dhabarka ku sitaan calankii Buluugga ahaa ee Soomaaliya, waana kaa mudaharaadka uu sheeganayo xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ee uu leeyahay annagaa soo abaabulnay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Md. Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...