Ismaaciil Cumar Geelle Oo Ka Hadlay Xil kaqaadistii lagu Sameeyay Afhayeenkii Ciidamada AMISOM Oo Ka Tirsanaa Ciidanka Jabuuti u Dirtay Soomaaliya.

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horeesay waxa uu ka hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyay Afhayeenkii Ciidamada Midowga Afrka ee AMISOM col.Cali Aadan Xumad oo kasoo jeeda Dalka Jabuuti.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in Col. Cali Adan uu waqtigii loogu tala galay inuu xilkasi haayo uu uu oo dhamaaday si weyna usoo gutaywaajibaadkiisa , waxa uuna meesha ka saaray in xilka looga qaaday arimo kale.
Madaxweynaha Dalka Jabuuti ayaa sheegay in Afhayeenka cusub ee AMISOM loo magacaabi doono shaqsi kasoo jeeda Dalka Kenya, wuxuuna xusay in dalalka ka socda Midowga Afrika ay boosas ku leeyihiin xilalka sare ee AMISOM .

Hadalka kasoo baxay Madaxweynaha Dalka Jabuuti ayaa imaanaya xili maalmo kahor AMISOM ay shaaca ka qaaday in xilkii laga qaaday Afhayeenkoodii Col.Xumad, waxaana xil ka qaadistaasi ay timid kadib markii Al-Shabaab weerar ku galeen taliska ugu weyn AMISOM ee ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Comments

comments