Madaxwayneku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ahna Ku-simaha Madaxwayanaha Madane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Masuuliyiin ka socday ururka dawladaha hoose ee Waddanka Holland oo taageero xooggan siiya dawladaha hoose ee Dalka Somaliland.
Madaxwayneku-xigeenaka ayaa waftiga kala hadlay sidii ay usii dardar gelin lahaayeen Taageerada ay siiyaan dawladaha hoose ee Somaliland iyo sidii ay qayb libaax uga qaadan lahaayeen mashruuca JPLG-ga ee lagu taageero dawladaha hoose.
Waftigani ayaa balan qaaday inay halkaasi kasii wadayaan dadaalka ay ugu jiraan sidii ay taageero muuqata ula garab joogsan lahaayeen dawladaha hoose ee Somaliland.