Dad ka badan 70 ruux ayaa 24 saac gudahood degaanka Aw-diinlle ee gobolka Bay ee dalka aynu jaarka nahay ee Soomaalilya ugu dhintay Cudurka Shuban biyoodka halkaas ka dillaacay.
Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada ee maamulka degaanka Aw-Diinle ayaa xaqiijiyay dhimashada 73 ruux oo u badan carruur iyo dad waayeel ah ka dib markii uu soo ritay cudurkan saf-mareenka ah.
Waxaa uu sheegay in dad kale oo aad u badan ay degaanka kula il daran yihiin shubanka ka dilaaacay degaankaas isagoo xusay in dad cudurkaas uu haleelay laga qaaday degaanka kuwaasoo uu sheegay inay markii dambe ku dhinteen Isbitaalka Baydhabo oo la gaadhsiiyey.
Sababaha ugu daran ee keenay dhimashada faraha badan ayuu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka inay ka mid tahay daawooyinka lagula tacaalo cudurkaas oo degaanka laga waayey iyo gaadiid xumo.
Dowladda federaalka & Maamulka Koonfur Galbeed ayuu ka codsaday inay gurmad deg deg ah la gaadhaan dadka ku dhibaateysan gobolka Bay ee uu soo ridanayo.