Ciidamada la dagaalanka Dabka ee lagu magcaabo Dab Damiska Ayaan ilaa hadda saddex bilood iyo in ka badan wax mushahar ah arag kuwaas oo lacagta Mushaharka ah ka qaadan jiray laba meelood.
Labadan meelood ee ciidamadu ay mushaharka ka qaadan jireen waxay kala yihiin Dawlada Hoose ee Hargeysa iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, waxaana meesha ka baxay mushaharkii ka iman jiray dawlada hoose ee Hargeysa.
Ilaa hadda ma jirto sabab cad oo loo aanayn karo inay mushaharkaasi ku waayaan ciidamadaasi mudadaasi bilaha ah, iyada oo ay dawlada hoose tahay meelaha uu soo galo dakhliga ugu badan dalku.
Ciidamada ayaa mudadaasi ku shaqaynaayey si mutadawacnimo leh , halka aanu waxba u qaban taliyaha ciidamada Dab damiska oo ay ahayd inuu ciidamadaasi xaqooda u doono.
Dhanka kalena maayirka Hargeysa Ayaa u muuqda mid aan dan ka lahayn ciidamadaasi aan weli mushaharka qaadan oo loo baahna inuu kiisa uga horeysiiyo.
laa hadda lama oga meesha ay lacagtaasi ku baxday, iyada oo aanay jirin wax la xisaabtan ah oo lagu sameeyey maayiradda dawladaha hoose iyo maayir ku xigeenadooda.