Somaliland: “Annagu Maqli Mayno Inta Xaasidiinta Ah Ee Hunguriga Ku Dilaya Dad Dawladda Ku Jira Oo Ay U Haystaan Inay [Saldhiga Millatari] Wax Ka Helayaan”

Date:

“Annagu Maqli Mayno Inta Xaasidiinta Ah Ee Hunguriga Ku Dilaya Dad Dawladda Ku Jira Oo Ay U Haystaan Inay [Saldhiga Millatari] Wax Ka Helayaan” Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa dad xaasidiin ah oo hunguri ku dagaalamaya ku sifeeyey dadka ka soo horjeeda saldhiga millateri ee ay Somaliland siinayso imaaraadka carabta. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo isaga oo ku sugan waddanka Kolombiya ee Laatiin America oo uu kaga qayb geliyao shir xisbiyada ah u warramay Idaacadda BBC-da, ayaa mar la waydiiyey sababta uu u taageeray saldhiga Millateri, waxa uu sheegay in uu isaguba dalka u dooni lahaa haddii uu talada qabto , isaga oo cidda ka soo hor jeeddana ku sifeeyey xaasidiin hunguri ku dagaalamaya, waxaanuu yidhi “Waxa la yaab leh waxa dalkii Somaliland badka soo dhigay wax Somalia la yidhaahdaa ma jirto inan yar oo immika la doortayna kama hadli karo Somaliland, anagaa gacanta ku haysanna oo anaga ayaa mustaqbalkiisa garanayna dalkayaga, midna waa aqoon darro midna waa xaasidnimo dadka ka hadlaya ee ka soo horjeeda saldhiga millateri, waxaanay u arkayaan in ay faa’iido u tahay xisbiga Kulmiye, laakiin dalka oo dhan ayey faa’iido u tahay, saldhigyo way ahaanj ireen oo maraykan ayaa haystay oo ruusha ayaa joogay maanta dal muslin ah ayaa yimid oo aanu isku diin nahay, annagu wixii wanaagsan waanu taageernaa oo nalagama caqli badna waanu garanaynaa dawladnimada iyo waxan waa wax dalka u soo kordhaya oo waa maalgashi, saaxiibo ayaanu yeelanynaa oo aqoonsi ayaanu doonaynaa oo waddan aanu ka mid nahay oo jaamacadda carabta ah ayaa dalka yimid, dhaqaale iyo aqoonsina waanu ka helynaa, Dadka xaasidiinta ah ee u haysta in ay dad gaar ahi wax ka helayaan oo dawladda ku jira ee hunguriga ku dilaya iyo inta xaasidka ah anagu maqli mayno waanu taageernay hadaanu soo baxnana waanu u dooni lahayn dalka iyo in garoonkayaga la isticmaalo haddii ILAAHAY noo keenayna waa Alxamdulilaahi”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...