Ma aheyn kulan u sahlan laakin waxay gumaadeen Celta Vigo, ciyaarta kadibna Luis Enrique ayaa yiri “Malaha waa diyaar garowga ugu fiican” si ay u bilaabaan haminta ah iney kasoo baxaan PSG dhanka kale ugu dhigaan natiijo 4-0 ah oo ku soo gaartay Parc Des Princess, xaqiiqdina, ma jirto koox natiijo intaa la eg lugta koowaad looga badiyay kadibna soo laabasho sameysay, hadaba waxaan eegeena Shan waxyoobood oo Catalans ka.
- QAAB CIYAAREEDKA NEYMAR
Ma wuxuu ku jiraa qaab ciyaareedkiisi ugu fiicnaa tan iyo markuu ku soo biiray Barça? Waa su’aashaas waxa ay is weydiinayaan taageerayaasha Barcelona kadib bandhigiisii todobaadyadii danbe gaar ahaa kulankii ay guusha ka gaareen Celta, ma aysan jirin kulamo badan oo is xigxiga uu muujiyay qaangaarnimadaas.
Xidiga Brazilian ka ah ayaa si aan loo dhawaan karin u ahaa xidigii ugu fiicnaa Barcelona todobaadyo xiriir ah inkastoo haatan Messi uu ku soo laabtay mucjisaadkiisii, kalsooni iyo inuu si toos ah oo hal ka hal u abaaro ciyaartooyda ayaa aheyd wax caadi u noqday xidiga, haduu argagax galiyo daafacyada PSG, sameeyo caawinaadii uu sameynayay, dhaliyo goolashii uu dhaliyay, waa sahal in Barcelona ay riyadeeda u rumowdo.
2. WAANGA BUSQUETS, WANAAGA BARÇA
Ciyaartooy tiro yar ayaa cabiri kara Barça’ marka la eego sidoo isugu talo kooxdaasi Busquets, haduu ku jiro qaab ciyaareed fiican, Barça ayaa kubadaha u tosha sida dawaarlaga ugu fiican, hadii uusan ku jirin qaab ciyaareekdiisa ugu fiican, Barca waxay u kala daadataa sida tusbax furtay.
Kulankii Celta wuxuu ku jiray qaab ciyaareedkiisi ugu fiicnaa, Ivan Rakitic iyo Barça ayaana u riyaaqaday waxayna kubado fiican la heleen MSN.
3. ISBADALKA SHAXEED.
Dad yar ayaa shaki galinaya in Barça ay ku ciyaari doonto shaxda 3-4-3 kulanka ay ka hor tagayaan PSG, kulankii Vicente Calderon, Luis Enrique wuxuu bilaabay inuu badalo shax ciyaareedkiisa, markaasi wixii ka danbeeyay waxay ahaayeen kuwo aan hal shax lagu haleyn karin.
Shakiga kaliya ee lagu maajinayo shaxdaan ayaa ah, ayaa ciyaari doono booska midig ee khadka dhexe (Daafac/dhex danbeedka buuxa), Rakitic iyo Sergi Roberto ayaana ah labada ugu cadcad, Umtiti, Pique iyo Mascherano ayaana iska kaashan doona daafaca, Alba ayaana hubin booskiisa inkastoo uu khadka dhexe buuxin karo, Iniesta ayaa isna ku soo laaban doona khadka dhexe.
“Markii aan shaxdaan ku ciyaareyno, waxaan awoodnaa inaan maamuno khadka dhexe, waxaan kubada soo ceshan karnaa durbaba, waxaan ku qasbi karnaa kooxaha kale iney daafac galaan” ayuu dhawaan yiri Luis Enrique.
4. QARAX LIONEL MESSI
Waad dhihi kartaa “Qarax” waayoo dhoer todobaad ka hor xidiga Argentine kuma jirin qaab ciyaareedkaan, kadib ceebtii PSG, wuuu qarxay, waxaadna ka arki kartaa qaab ciyaareekdii ka danbeeyay, wuxuu xalay teleefan u diray ayeeydiisa laakin dadka qaar ayaa u fahmay inuu la xiriiriyay PSG si uu ugu sheego inuu u soo socdo, Messi ayaa careysan wuxuuna doonayaa inuu ku qarxo PSG.
Barça ayaa u baahan mucjiso si ay uga soo baxaan PSG waana macquula markuu Messi uu ku jiro qaab ciyaareedkiisa caadiga ah, kulankii Celta wuxuu marayay hawada wuxuuna fariin u sii diray kooxda ree France ee soo booqaneyso Camp Nou.
5. PSG KUMA JIRAAN QAAB CIYAAREED JOOGTO AH.
Kooxda Unai Emery waxay shalay markale muujiyeen ineysan aheyn koox leh qaba ciyaareed joogto ah, waxay ku dhibtoodeen iney dhaafaan Nancy, waa run ineysan ku hubeysneyn xidigahooda ugu sareeya laakin hadana waxay bixiyeen oo ay siiyeen kooxdaan heerka labaad ku sii dhaw fursado badan.
PSG ayaa qaab ciyaareed aanan marna laga fileyn ku soo bandhigtay lugtii waana wax aad uga duwan qaab ciyaareedkooda haatan ee Ligue 1, arbacada waxya soo booqan doonaan Camp Nou iyagoo wata faa’ido weyn, laakin qaab ciyaareedkoodii shalay ma ahan mid ay fursadahooda kaga faa’ideysan karaan.