Somaliland: Xisbiyada Mucaaridka Ah Oo Kala Baxay Faysal Oo Taageeray Saldhiga Cirro Oo Ku Gacan,,

Date:

Xisbiyada Mucaaradka Oo U Kala Baxay Bur Iyo Biyo,Iyo Guddoomiyaha UCID Oo Sheegay In Saldhiga Berbera Uu Somaliland U Horseedayo Aqoonsi,Halka G/Cirro Ka Dhex Baadhayo Dilaal

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in dad xaasidiin ah iyo kuwo bilaa aqoon ahi ay aaminsan yihiin in saldhigga Millatari ee Berbera laga siiyay dawladda Imaaraadka Carabta ay faa’iido ugu jirto Xisbiga KULMIYE.

Faysal, waxa kaloo uu sheegay in uu taageerayo wax kasta oo dalka u keeni kara horumar dhaqaale iyo mid siyaasadeed ba. sidoo kalena waxa uu farriin adag u diray madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya isaga oo ugu baaqay in aanu soo faro-gelin arrimaha Somaliland.

Guddoomiyuhu isagoo arrintaas ka hadlayay, waxa uu yidhi; “Horta waxaa layaab leh, waxa Somaliland badka soo dhigay. Jabuuti waa wadan aanu jaar nahay oo ilaa toddoba saldhig millatari ah ayaa ka jira, dekadii shanaad ayay wadaan oo Chine ay siisay oo lagama hadal. Soomaaliya waa la haystaa cid ka hadashayna ma jirto, annnaguna wiil yar oo imika la doortay wadankayaga kama hadli karo, amaankiisana annaga ayaa gacanta ku haysana, annaga ayaa mustaqbalkiisa garanayna, ciddii u aragta in waxani KULMIYE faa’iido u yahay waa cid xaasida oo bilaa aqoon ah,dhab ahaanti arrintani wadanka oo dhan ayay faa’iido u tahay, saldhig buu ku lahaan jiray Mareykanku dalkan, Ruush baa haystay hase ahaatee maanta dad muslim ah ayaa noo yimmi oo aanu isku dhaqan nahay oo aanu isku diin nahay.”

“Annaguna ka xisbi ahaan wixii wanaagsanba waanu taageeraynaa oo waanu taageer-sanahay, waayo xisbigan xukunka hayaa nagama caqli badna ee waxani waa wax waddanka u soo kordhaya, saaxiibo ayaanu yeelanaynaa, Ictiraaf ayaanu dooneynaa, adduunka in nalaga aqoonsado ayaanu dooneynaa, Jamacatul Carab ayaanu ka mid noqoneynaa, dhaqaale ayaanu ka helaynaa, aqoonsi ayaanu ka helaynaa. inta xaasidiinta ah ee dawladda hunguriga ku dileysa annagu (UCID) maqli mayno, waanu taageer-sanahay,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe oo u waramayay idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga isaga oo ku sugan dalka Colombia oo uu kaga qaybgalay shir ay isugu yimaadeen Xisbiyada lagu magacaabo hanti-wadaagu.
Dhanka kale Faysal Cali Waraabe, waxaa uu xusay haddii ay ku guuleysan lahaayeen jagada madaxtinimo ee wadanka ka xisbi ahaan inay keeni lahaayeen wixii wadanka dani ugu jirto, waxaanu yidhi; “Haddii annaga ka xisbi ahaan aanu soo bax-nana waanu dooni lahayn in wadanka dhaqaale u soo kordho waanu raadin lahayn in dekadayada la isticmaalo iyo saldhiyadayadaba haddii Illaahay noo keenayna All-xamduli-laahi Rabil caalamin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...