Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa waxaa uu ganafka ku dhuftey guddi uu maanta guddoomiyaha gollaha guurtidu u saaray in ay ka soo tallo-bixiyaan muddo kordhinta xukuumadda loo sameynaayo .
Xoghayha guud ee xisbigaasi Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde waxaa uu sheegay in aan guddidaas loo bahneen isla markaana muddo kordhinta golahaasi hor taala aanay aheyn mid gudi u bahaan mar hadii ay ka heshiiyeen xisbiyadii , xukuumadii iyo kominshankii doorasooyinku oo ay arintani quseysay
Sidoo kale xoghayha ayaa waxaa uu gollaha guurtida uga digay in ay muddo kordhinta xukuumadda u sameynayaan ay ka badiyaan mudadii ay ku heshiiyeen xisbiyadu isla markaana haddii ay sameeyana ay qaranka iska hor keenayaan.