Wasiirka Amniga maamul gobaleedka Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa soo jeediyay in si deg deg ah loo toogto maxaabiista dilalka ku xukuman ee ku jira Xabsiyada Puntland.
Wasiirka amniga oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in wali xabsiyad Puntland ku jiray rag ka tirsan Al-Shabaab oo horay xukuno lagu riday.
Wasiirka ayaa intaa ku darray in sanadkii la soo dhaafay boqolaal ruux oo ka tirsan Al-Shabaab lagu soo qabtay deegaanada Garmaal iyo Garacad, kuwaasoo uu xusay in loo baahan yahay Maxkamadda sare ee Puntland in go’aan ka qaadato.
Puntland ayaa horay xukuno dil ku riday dhalinyaro badan oo lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, waxaana horay dilal ugu fulisay dhalinyaro badan oo ay sheegtay inay qeyb ka ahaayeen dilalka qorsheysan ee deegaanadeeda ka dhaca.