Xukuumadda Somaliland, ayaa dalka ka mustaafurisay laba ka mid ah shaqaalaha hay’adaha DDG iyo weli hay’adda DRC, ku waasi oo wax ka sheegay diinta suuban ee Islaamka sida oo kale aflagaado iyo hadidaad u geystay darawalkoodii u waday gaadhiga xili uu salaad tukanaayey.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta qaranka Somaliland Md.Maxamed Qabyo-tire, ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaana uu tilmaamay in aanay marnaba aqbali doonin cid kasta oo ka soo horjeesata shuruucda dalka u taala sida oo kale aflagaadeysa diinta suuban ee Islaamka.