Guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay doorkii uu ku lahaa heshiisyada shirkadda DP World ee dekedda Berbera iyo Saldhigga Millatari ee Imaaraadka Carabtu ka samaysanayo Madaarka Berbera.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ku sugan Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa yidhi “Horta waxa aan idiin sheegayaa innagu waftiga kama mid ahi, waan socod badan oo waan la kulmaa uun marka ay iyaguna meesha joogaan, wey iga soo horreeyeen oo waxa ay igu yidhaahdeen nagu soo biir, markaa anigu shirarka lamaan galay ee kadinadooda ayaan iska taag taagnaa marka ay shirarka galayaan, anigu horta waan ku suntanahay DP World barigii dhawaytana markii arrintu dhammaatay ee la is sawirayay ayaan ka qayb-galay, Suldaan ayaan dhinac fadhiistay oo aan is idhi bahashiiba isaga ayaa loo dhiibay” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa dhaar ku maray in aanay wax lacag ahi ka soo gaadhin xuqul-qalinkii heshiiyadda Dekedda iyo Madaarka Berbera waxaanu yidhi “horta anigu mid ayaan idiin sheegayaa ee walaahi Soomaalidu carruurta iyo xaaska ayay ku dhaartaane xilo waxa ay iga yihiin in aan shillin iga soo gaadhin” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu ugu danbayn shacabka reer Somaliland ku booriyay inay qaranimadooda ilaashadaan saddex xisbi aanay ku kala dooran lacag iyo qabyaalad ee ay doortaan midka dalka wax u qabanaya waxaanu yidhi “Midnimada adkeeya, Soomaaliya nimankaa qabsaday lacag laguma dooran, qabiil laguma dooran, waxa lagu doortay yaa waxqaban karaya, markaa waxa aad aragtaa inay inaga horumareen inaguna hadda ayaynu bilownay yaa Habar-walaay yaa garxajisaay, labadaasi ha dhacaan ayaanu leenahay, waa Soomaaliya ka tagtay dadkii is dilay waa kuwaa heshiiyaye inaguna aynu codka saddexyada xisbi ka khayrku ku jira intaad bisinka u qabataan Allahu akbar dhaha” ayuu ku soo xidhay hadalka Guddoomiye Faysal Cali Waraabe