Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo dhawaan booqasho ku tagay Boqortooyada Sacuudiga ayaa Madaxda dalkaasi u gudbiyay dacwad ka dhan ah Dowlada Imaaraatka Carabta oo dooneysa in ay la wareegto dhul qaranka Soomaaliya leeyahay.
Sida wararku sheegayaan Madaxweyne Farmaajo ayaa dowlada Sacuudiga ka dalbaday in ay soo fara galiyaan qorshaha uu Imaaraatka Carabta ku doonayaan in saldhig ciidan ka sameestaan gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Berbera.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday Sacuudiga in ay dhex dhexaadiyaan Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Imaaraatka si ay uga wada hadlaan arrintan ku aadan qorshaha Imaaraatka ku doonayo saldhig Milatari oo laga siiyo Garoonka Diyaaradaha Berbera.
Farmaajo ayaa kala hadlay arrinta ku saabsan saldhigga Milatari ee Imaaraatku ka sameysanayo Berbera Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdicasiis oo ah ku xigeenka ninka sugaya dhaxalka boqortooyada Sacuudiga, waxaa sidoo kale kulanka joogay Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga iyo Madax kale.
Xukuumadda Somaliland ayaa ku hawlan qorshayaal ay dhankeeda kaga hortagayso in la carqaladeeyo hor dhaca heshiiska ay wada gaadheen Xukuumadda Somaliland iyo Dawlada Imaaraatka carabta.