War Deg Deg Ah: Coldoon Muxu Ka Yidhi Go,aankii Xukuumada Somaliland Isaga Oo Qiire,,,

Cabdi Maalik Coldon Oo Garwaaqsaday Qaladkii Uu Galay Xukuumada Somaliland Ka Codsaday Hal Arin Oo Keliya+Maxay Tahay

Samafale Cabdimaalig Muuse Coldoon oo kamid Ahaa taageerayaashii Madaxweynaha Somaliya Ee farmaajo Oo markii uu Soo Noqday Lagu Xidhay Magaalada Hargeysa Ayaa ka waram Xaalada Uu Ku Sugan Yahay.

Cabdimalig Coldoon oo uwaramay Eheladiisa Ugu Dhow oo ku booqday Goobta uu ku xidhan yahay ee caasimada hargeysa ayaa usheegay Inuu Garawsaday Inuu Qalad Weyn ka galay Qaranka somaliland, Balse hadeer loo baahan in xal lagaga gudbo xadhigiisa,

samafale Coldoon ayaa ka codsaday Cuqaasha iyo Salaadiinta eheladiisa ee halkaa ugu tagay in xukuumada ay cafis uga soo qaadaan,

Waxaanu sidoo kale Cabdi maalig Coldoon uu balan qaaday in hadii la cafiyo uu si degdega raalin gelin uga bixin doona qaladka uu galay una soo bandhigi doono bulshada Somaliland inay Cafido.

Samafale Cabdimaalig Muuse Coldoon Waxa u sidoo kale qiray inuu ku xidhan yahay Dalkiisa Hooyo, wax dhibaato ahna aanu la kulmin.

Hadalkan kasoo yeedhay Samafale cabdimaalig ayaa ku soo beegmaya xili maalmaha soo socda la horkeeni doono maxkamada hargeysa oo kiiska dacwadiisu ka socoto.

Sikastaba ha ahaatee Samafale Coldoon Oo madax ka ahaa Ololaha Kaalmee Kuwan Ayaa waxa sugaaya dad tirobadan oo jilicsan oo cabdi maalig Quudin jiray,

sidoo kale waxa xaniban Lacago Badan Oo Ay aduunka kasoo kala diri jireen boqolaal qof oo Somali ah Kuwaas oo caawin Jiray Dadka Tabaalaysan,

Xukuumada Somaliland Ayaa Dhawr Jeer Oo Hore Cafis Ufidisay Masuulyiin badan oo Qaran Dumis ahaa oo mudo badan Aaminsanaa Mabda,a Somaliweyn, Balse markii Danbe Somaliland Cafis Ka Helay, Balse arinta Cabdimalig oo ka dhaw sidaasi ayaa laga war sugayaa xukuumada somaliland inay ka aqbasho codsigaasi uu dalbaday Cabdimaalig Muuse Coldoon.

Comments

comments