Somaliland: Wasiirka Arrimaha Dibadda JSL Oo Magaalada London Kulamo Kula Yeeshay Xildhibaanno ka Tirsan Baarlamanka Ingiriiska.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo safar shaqo ku jooga magaalada London ee carriga Ingiriiska, ayaa la kulmay xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Ingiriiska.

Wasiir Sacad oo warbaahinta kula hadlay magaalada London shalay, ayaa sharraxaad ka bixiyey waxyaabaha lagaga wadahadlay kulamo uu la yeeshay xildhibaannada baarlamanka Ingiriiska ka mid ah iyo urur lagu magacaabo European Atlantic Group.

“Waa markii labaad ee aannu sannadkan gudihiisa safar ku tagno guriga baarlamaanka Ingiriiska, waxaanuna kula kulannay urur la yidhaa European Atlantic Group. Waxa kaloo kulanka nagala qaybqaatay xubno ka tirsan aqalka baarlamaanka boqortooyada Ingiriiska iyo qaybo ka mid ah shacabka waddankaas oo taageerayaal u ah Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Waxa uu intaas sii raaciyey, “Sidoo kale, maanta (shalay) waxaannu iyagana shir kula qaadannay aqalka baarlamaanka Ingiriiska gudihiisa xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo iyagu taageera Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubno mudnaantooda leh oo shacabka reer UK ah.

Labada shirba waxaannu ku kala qaadannay warbixino muhiim ah oo aannu dhankayaga ku siinnay xaaladda guud ee uu wadankeennu marayo ee dhinacyada horumarka, dhinaca dhaqaalaha, abaaraha waddankeenna maanta haysta, siyaasadda, doorashooyinka iyo guud ahaan marxaladda dalka Somaliland marayo, run ahaantiina si wanaagsan ayey noogu dhacday.”
”Xubnaha aannu maanta (shalay) la kulannay waxay u badnaayeen baarlamaanka waddanka boqortooyada Ingiriiska, kuwaas oo ka soo kala jeeda gobollada ay gaar ahaan deggan yihiin dadka u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland iyagana laga soo doorto.

Waxa xubnahaas ka mid ah ninka xoghayaha guud u ah ururka European Atlantic Group, sida xaqiiqda ahna waxa kulamadaasi noogu qabsoomeen si wanaagsan, iyagoo warbixinihii aannu u gudbinayna si aad ah u soo dhaweeyey, mar walbana muhiimaddayada koowaad ee kulamadu waxay ahaayeen kuwa ku salaysan dardargelinta qaddiyadda goonni-isu-taagga Somaliland, taas oo ay iyaguna dhankooda mar walba kuwa door siiya mudan in la xuso,” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...