Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Waddan ayaa musuqmaasuqii ugu badnaa ee lacageed sanadkan kala baxay miisaaniyada golaha wakiilada somaliland.
Guddoomiye Cirro ayaa lacagaha uu la baxay waxaa loogu tolo galay sidda
= shidaalka
= habeen dhaxyada iyo safarada golaha
= fadhiyada golaha iyo kan gudiyada golaha
= lacagta dayactirka gaadiidka iyo iibka gaadiidka cusub
= lacagta dayactirka iyo dhismaha golaha
Lacagatan ayaa ah mid dhan 90,000 kun oo doolar waxaana uu ku shubay lacagtan sanduuq uu leeyahay xisbiga waddani.
Maha markii ugu horaysay ee uu lacag golaha wakiiladu leeyahiin uu la baxo Guddoomiye Cirro balse lacagtan ayaa noqonaysa tii ugu badnayd ee uu hal mar la wadda baxo
Guddoomiye Cirro ayaa lacagtan u gacan galiyay koox dhawaan lacag ka dhacday sanduuq beeshiisu qaadhaanka ugu ururin jirtay.
Guddoomiye Cirro ayaa inta badan u isticmaala howlaha xisbigiisa miisaaniyadda golaha,
Waxaana inta badan sidda xogtu iftiimiyso uu lacagta u qaada mid ka mida ilaaladiisa oo u gacanyare ah.