Xaaladda Abaareed ee ka jirta Gobollada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa sii adkaanaysa, waxaana Xaaladdu maraysaa in Gobollada Soomaaliya qaarkood Dadku si tarab-tarab ah ugu Geeriyoodaan, ka dib markii ay soo waajaheen Macaluul iyo Xanuuno ka dhashay
Meelaha ugu daran ee Abaartu ka jirto, ayaa waxa mid ah deegaanno mid ah Puntland iyo Somaliland iyo weliba qaybo ka mid ah Badhtamaha Koonfurta Soomaaliya, waxaana meelaha ugu daran ka mid ah Gobollada Sool, Sanaag, Togdheer iyo Saaxil oo ka mid ah Somaliland iyo Gobolka Bakool oo ku yaalla Badhtamaha Dalka Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qoxootiga, ayaa sheegay inay ka war-heleen Axaddii in Toddobaadkii u dambeeya Gaajo iyo Xanuuno ka dhashay Abaaraha ay Gobolka Bakool ee Soomaaliya ugu Geeriyoodeen 38 Qof.
Waxaanu Afhayeenku sheegay in Meelaha kale ee Abaartu faraha baas ku haysa ay ka mid yihiin Gobollo Somaliland ah iyo kuwo Puntland ah, isagoo xusay in Dad ka badan 6 Milyan iyo 200.000 kun oo Ruux oo ku kala nool Somaliland, Soomaaliya iyo Puntland ay halis ugu jiraan Abaarta xilligan jirta.
Hay’adda Unicef, ayaa iyaduna sheegtay in Dadka ugu badan ee ay suurto-galka tahay inay saamayso Macaluusha ka dhalata Abaartu ay yihiin Carruurta.
Sidaasi darteed ayaa Qaramada Midoobay waxay Xaflad ka dhacday Magaalada Nairobi kaga dhawaaqday baaq ay Qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamka kaga dalbanayaan Lacago gurmad loogu sameeyo Dadka Abaaruhu hayaan ee Dhulka Soomaalida iyo Qaybo mid ah Dalka Itoobiya.
“Waxaa si deg-deg ah loogu baahan yahay ficil in lagu dhaqaaqo iyo kharash faro badan si loo baajiyo macaluul la mid ah tii 2011 ka dhacday Soomaaliya.” Sidaa waxa yidhi Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay, ka dib kulan Qaadhaan-bixiyeyaasha baaq loogu dirayey oo Hay’adaha UNHCR, NRC iyo ururo kale oo caalami ah ku qabteen Magaalada Nairobi.
Ingiriiska
Dawladda Ingiriiska oo ka jawaabaysa Baaqa Qaramada Midoobay, ayaa ku dhawaaqday inay Dalalka Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland iyo Dalka Koonfurta Suudaan ugu deeqday 100 Milyan oo Gini, taasi oo ay ugu talo-gashay in loogu gurmado Dadka Abaareysan.
Kharashka ayaa loogu talo galay taakuleyn dhanka raashinka, biyaha iyo caafimaadka ah.