Sergio Ramos Oo Difaacay Qaab Ciyaareedkii Kooxdiisa Ee Kulankii Xalay

Date:

Sergio Ramos ayaa diiday soo jeedinta ah in Real Madrid lagu ciqaabay caajisnimadooda kulankii ay guuldarada 2-1 aheyd kala soo laabteen kooxda Valencia xalay kadib markii 9 kii daqiiqo ee ugu horeysay ee ciyaarta ay goolal ka kala dhaliyeen Simone Zaza iyo Fabian Orellana inkastoo oo gool iska magac u yaal ahaa uu u soo celiyay Cristiano Ronaldo.

Waxay aheyd markii ugu horeysay mudo ku dhaw 14 sanadood ah oo Madrid labo gool looga dhaliyo 10 la daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta, waxayna inta badan ciyaarta ku raaxeysanayeen kubada heysasho aanan mirofhal laheyn, Ramos ayaana sheegay in goolasha Valencia ay ku yimaadeen labo qalad oo ay kooxdiisa gashay.

“Wuxuu ahaa kulan xamaasad badan, waxaan rabnay inaan ugu yaraan la laabano hal dhibic, xaqiiqdii kulan fiican ayuu ahaa waxaana rabnay inaan kordhino farqiga dhibcaha ee aan hogaanka ku heyno”. ayuu yiri

Marka la weydiyay waxa sababay guuldarada wuxuu yiri “Waxaan sameynay labo qalad waana la inagu ciqaabay, kooxda waxay isugu soo baxday iney ciyaarto kubada fiican, min daqiiqadii koowaad waxaan dhiseynay kubada fiican laakin halistii aan galnay ayaan ka faa’ideysan weynay, waxaan galnay labo qalad waxayna dhaliyeen labo gool”.

Laakin waxaa jiray eedeymo ku aadanaa habdhaqanka dabacsan ee kooxda Real Madrid ee lasoo baxday kulankaan, Ramos ayaana beeniyay arinkaas wuxuuna yiri “ANiga ahaan dhaqan xumaan ama xushmad daro midna ma aysan jirin, waxaan bixinay wax waliba si aan u adkaano, hada waa inaan rognaa bogaas oo aan wax ka baranaa qaladaadkeena, horyaalka wuu dheer yahay wax waliba ayaana dhici kara”. “it.”

Real Madrid ayaa kulankeeda xiga u safri doonta garoonka dhibka badan ee El Madrigal si ay ula soo ciyaaraan kooxda Villareal kulankaasoo qudhiisa aanan dab yar shideyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...