Maxamed Cabdilaahi Uurcade Xog-hayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo maanta warfidiyeenada kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu ka hadley in hab dhaqanka wasiirka warfaafintu uu ka duwan yahay wasiirada kale ee Somaliland.
Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde ayaa jawaab ka bixiyey hadalo maalintii shalay ahayd kasoo yeedhay wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid “Caddaani’,sidoo kalena waxa uu digniin u direy golaha guurtida Somalilad.
Xoghayha ayaa waxaa uu wasiirka warfaafinta ku tilmaamay masuul kursiga wasiirnimo ku jooga ceyda Musharax Cabdiraxmaan Ciro iyo xisbiga Waddani isla markaana waxaa uu sheegay in ay xisbi ahaan soo dhaweynayaan hadii uu Cadaani intaas shaqo ku helaayo.
Sidoo kale xogyaha guud ee xisbiga Waddani waxaa u golaha guurtida ugu baaqay in ay muddo kordhinta ay sameynayaan ku dabakhaan mudada ay ku heshiyeen xukuumada , xisbiyada iyo gudida doorashooyinku