Somaliland: Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo Kulan Lagaga Hadlayey Dardar galinta Taakulaynta Abaaraha

Date:

Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku qabtay kulan balaadhan oo laga hadlayey dardar galinta gurmadka abaaraha dalka ka jira.

Kulankaasi oo ay ka qayb galeen dhinacyada kala ah, Guddida taakulaynta abaaraha, Hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland ku sugan oo ay horkacaysay hay’ada UNOCHA iyo daneeyayaal kale ayaa markii uu dhamaaday waxa la shaaciyey qodobada laga wada hadlay.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici oo kulankaasi gudoominayey ayaa kulanka ka dib la hadlay Saxaafada isaga oo shaaciyey in lays la qaatay in la mideeyo gurmadka Xukuumadda iyo guddida abaaruhu ay wadaan iyo gurmada ah Hay;adaha caalamiga ahi wadaan, isla markaan la samayn doono guddi wada jir ah oo arintaaasi ka hawl gasha.

Mudane Saylici ayaa sidoo kalena meesha ka saaray in guddida Abaaruhu aanay waxba qadan oo ay fadhiid noqdeen isaga oo wararkaasina ku tilmaamay kuwo dayaacad ah oo aan waxba ka jirin waxaanu yidhi “ Maanta waxaanu kulan u qabanay dhamaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka shaqeeya dalka Somaliland, kuna hawlan gargaarka bani-aadamnimo iyo horumarinta, iyadoo xaaladii abaaruhu ay ka sii darayaan runtii duruufo adagna uu dalku sii galayo, waxaanu isugu yeeedhnay dhamaan hay’adihii dalka joogay, laba dhinac ayaanu ahayn, guddigii qaran ee taakulaynta abaaraha iyo UNOCHA oo iyaduna midaysa hay’adaha gargaarka.”

Madaxweyne Ku xigeen Saylici ayaa yidhi “ Ujeedada aanu maanta isugu yeedhnay laba arrimood ayaa u muhiimsanaa, in aynu marka hore ogaano ilaa hada wixii inoo qabsoomay, iyo cid waliba waxa ay qabatay, in aynu warbixin kala helo, iyo mid labaad oo ahayd maadaama oo ay xaaladi sii adkaatay in loo baahan yahay in iskaashi iyo wada-socod la sameeyo oo aan is barbar yaac badani dhicin si dadkii baahnaa ee biyo, cuno iyo caafimaad u baahan, si isku mid ah loo wada gaadho, oo baahida si looga wada jawaabo. waxaanu ka wada tashanay sidii loo loo midayn lahaa gurmadka, maanta wixii ka dambeeya in gurmadkii heer qaran ee dawladdu masuulka ka ahayd, iyo gurmadkii ay hay’aduhu bixinayeen in la mideeyo. Qaranku resource-ka (ilaha) uu hayaa waa kan uu hantida dawlada la bixinayo, iyo kan dadka laga soo ururiyey gudo iyo dibad-ba, labadaa ilood iyo wixii kale ee ka yimaada dawladdaha aynu saaxiibka nahay ayuu hayaa, intaaba waxaanu rabaa in meel kaliya lagu mideeyo, taa waanu isla qaadanay hay’adaha in la sameeyo koox wada-jir ah oo hawshaasi gurmadka degdega ah iyo xaaladahaasi sii xumaanaya ee degdeg ah si wada jir ah uga shaqeeya, oo la gaadho gobolada dalka bari ilaa galbeed, haba la kala darnaadee.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...