Faysal Cali Waraabe gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo maanta dalka dib ugu soo laabtey isaga iyo waftigii Somaliland mataalaayey ee wada hadalada kula jiray maamulka Khaatumo ayaa waxaa uu u hanjabey madaxweynaha cusub ee dalka Somaliya
Madaxweynaha cusub ee Somaliya aniga arintayada kolba waa sida uu noola yimaado , macaan iyo qadhaadh na waanu leenahay , hadii uu qadhaadh noola yimaado sidii kii ka horeeyey ee xassan Sheekh , dee anaguna qadhaadhka ayaanu tusi doona .
Hadii sidii adeerkii xasuuqa inoo geystay maskaxdiisii oo kale ku fikiro , maanta cid inaga xoog weyni ma jirto , halka uu joogo maanta waa ku marti , xamarna waa halkii aanu siyaad bare ka wada ridney aniga ayaana kaga wadinisan ” ayuu yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe
Sidoo kale Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu ka hadley sida uu u arko waxii shalay ka dhacay golaha baarlamaanka isla markaana waxaa uu gudoomiye Saleeban ku hanbalyeeyey sidii uu shalay golaha u shir gudoomiyey oo uu ku sifeeyey in uu geesi nio muujiyey
Dhinca kale Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu difaacay saldhiga Military ee dawlada Imaaradka laga siiyey magaalada Berbera Xili malintii shalay aheyd xisbigiisu xaaran ku tilmaamay ansixintii heshiiska saldhigaasi