odobada Ay Iska Matalaan Heshiiskii Ay Xukuumaddu Ku Wareejisay Dekedda Berbera Iyo Qodobo Nuxur Ahaan U Muuqda Kuwo Lagu Qurxiyey Dhaxal Wareejinta Madaarka Berbera
Wargeyska FOORE waxa u suurto gashay in uu helo Nuqul rasmi ah (Original Document) oo ah buug-yarihii ay shalay xukuumadda Siilaanyo hor keentay Golayaasha sharci dejinta kaasi oo ay ku sheegtay qodobada nuxurka heshiiska ay ku kiraynayso Madaarka Magaalada Berbera. Si aannu akhristayaasha ula wadaagno dhukumantigaasi shalay buuqa ka dhaliyey golayaasha Sharci dejinta ee sida jujuubka ah xukuumaddu ku marsatay, kaasi oo aan dhammaantii dib idiinku soo qornay ayaa waxa uu u dhignaa sidan:
Nuxurka Heshiiska Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta Iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Ee Aasaaska Saldhigga Milatari
1. Heshiiska Cidda Wada Galaysa:
B) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland (Kireeye)
T) Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta (Kireyste)
2. Mashruuca Heshiiska
Saldhig Milateri oo laga yagleelayo Madaarka Berbera
3. Ujeeddada Heshiiska:
B) In La Xoojiyo Xidhiidhka Saaxiibtinimo ee qotada dheer ee u dhaxeeya Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland.
T) In La Xoojiyo wada-shaqaynta iyo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha la xidhiidha Nabadgelyada, Horumarka, Dhaqaalaha, Maalgashiga, Ganacsiga iyo Is-dhex-galka.
4. Oggolaansho Saldhig Milateri:
B) Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku heshiisyeen:
In Saldhig Milateri laga siiyo Imaaraadka Carabta Magaalada Berbera.
T) In Loo oggolaado in saldhigga ay u isticmaalaan Madaarka Magaalada Berbara.
J) In Loo oggolaado in ay ka samaystaan Jihada Woqooyiga Madaarka, gaar ahaan dhinaca badda, deked dhismaheedu kooban yahay, taas oo u gaar ah ciidamadooda.
X) In loo oggolaado in ay dib-u-dhis iyo casriyeyn ku sameeyaan dhabbaha diyaaradaha iyo guud ahaanba garoonka Magaalada Berbera.
5. Muddoda Heshiiska:
B) Muddada Heshiiska saldhiggu waa 25 sanno, oo ka bilaabmaysa marka ay si rasmi ah u kala saxeexdaan labada dhinac.
T) Muddada heshiiska kadib, dhammaan wixii dhismayaal ah iyo kaabayaal dhaqaale laga hirgeliyey Madaarka iyo Dekedda waxay noqonaysaa hanta qaran.
6. Kirada iyo Faa’iidooyinka Sal-dhigga:
B) Saldhigga Milateri Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku bixinaysaa hab kiro ah.
T) Kirada ka waajibta saldhigga Muddadan oo waafaqsan nidaamka heshiisyada dabeecaddan oo kale leh, wuxuu Dalka Isu-tagga Imaaraadku ku siinayaa Jamhuuriyadda Somaliland Mashaariic Horumarineed.
J) Mashaariicda waxa la soo marinayaa, fulinteedana masuul ka ah Hay’adda (Abu Dhabi Fund), oo u qaabilsan Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta fulinta Mashaariicda Horumarineed.
7. Isticmaalka Saldhigga Milateri:
B) Saldhiggan Waxa isticmaali kara oo keliya ciidamada dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
T) Waxa reebban in saldhiggan ay adeegsadaan cid kale oo ka baxsan kiraystaha ku cad faqradda sare.
J) Kireystaha iyo laga kiraystaha labaduba midna cid kale kama kirayn karo goobta saldhigga Milateri loo jaangooyay muddoda heshiiskani dhaqan galka yahay.
X) Labada Dhinac waxa ka reebban in goobta saldhigga Milateri ay u isticmaalaan ujeeddo ka baxsan ama khilaafsan nuxurka heshiiskani qeexayo.
8. Mashaariicda Horumarineed:
Dawladda Isutagga Imaaraadka Carabtu waxay hirgelinaysaa mashaariicda hoos ku xusan:
B) Dhismaha waddada Berbera Illaa Wajaale (Berbera Corridor).
T) Dhismaha Madaar cusub oo lag hir gelinayo Magaalada Berbera (Civilian and Cargo Airport).
J) Fulinta iyo hirgelinta Mashaariic kor loogu qaadayo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida (Waxbarashada, Caafimaadka, Tamarta, Biyaha) iyo kaabayaasha sida (Dhismaha waddooyinka, Madaarrada, Dekedaha, iwm), mudnaan gaar ah waxa la siinayaa sidii Magaalada Berbera loogu heli lahaa koronto jaban oo laga haqab beelo.
9. Abuurista Fursado shaqo:
B) Dawladda Isutagga Imaaraadka Carabtu waxay mudnaan iyo tixgelin gaar ah siinaysaa muwaadiniinta da’yarta xirfadlayaasha ah ee u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland fursado ay kaga shaqeeyaan dalkooda, muddoda heshiiskani dhaqan-galka yahay.
T) Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabtu waxay ku dhiirri-gelinaysaa shirkadaha waaweyn ee laga leeyahay dalkooda in ay Somaliland ka sameeyaan mashaariic maal-gashi oo abuuri kara fursado shaqo oo gudaha ah.
J) Kireystuhu wixii uu shaqaale muwaadiniin ah uga baahdo saldhigga Milateri, wuxuu u marayaa nidaam ku dhisan hufnaan oo ay ka heshiiyeen xuquuqda ka ratibmaysa.
X) Labada dhinac waxay fududaynayaan is-dhex galka iyo isu-socodka muwaadiniinta labada dal.
10. Is-Kaashiga Iyo Adkaynta Amniga:
Labada dhinac waxay wada-shaqayn iyo iskaashi buuxa ka yeelanayaan arrimaha soo socda:
B) Ilaalinta amniga marin biyoodka Somaliland ee Badda Cas.
T) La Dagaallanka Budhcad-badeedda iyo wax kasta oo khatar jy ag xasiloonida iyo nabadgelyada mandaqadda.
J) Ka Hortagga iyo la dagaallanka xaalufinta, wasakhaynta iyo sumaynta biyaha badweynta Jamhuuriyadda Somaliland.
X) In la iska kaashado dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada, sida (Abaaraha, Duufaannada, Dhul-gariirka iwm)
11. Xuquuqda Iyo Waajibaadka Saran Kiraystaha:
B) Waxa waajib ku ah kiraystaha sal-dhigga in uu dhawro xuquuqda iyo xorriyadda aasaasiga ah ee Muwaadiniinta Somaliland.
T) Waxa reebban ku xad-gudubka daaqa, duur-joogta iyo deegaanka ku hareeraysan goobta saldhigga laga yagleelayo.
J) Kiraystaha saldhiggu waxa uu si cad u damaanad qaadayaa in aannu u gaysan waxyeelo ka dhan ah, amniga iyo deganaanshaha guud ahaan mandaqadda, gaar ahaan Jamhuuriyadda Somaliland.
X) Kiraystaha waxa lagu wareejin doonaa dhammaanba dhismayaasha ka jira Madaarka Berbera Gudihiisa, wuxuuna si buuxda uga masuul yahay daryeelkooda iyo dayactirkooda, illaa iyo wakhtiga dib loogala wareegayo.
KH) Kiraystuhu isaga ayaa ka masuul ah amniga iyo nabadgelyada saldhigga Milateri dhexdiisa.
D) Kiraystaha saldhiggu wuxuu xurmaynayaa dhammaanba heshiisyada iyo xidhiidhka iskaashi ee u dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalalka ay saaxiibka iyo bah-wadaagta dhaw yihiin.
12. Xuquuqda Kiraystaha:
B) Kiraystuhu wuxuu u madax bannaan yahay adeegsiga iyo isticmaalka saldhigga Milateri, si waafaqsan heshiiska labada dhinac.
T) Kiraystuhu wuxuu si buuxda u maamulayaa dhulka uu ku fadhiyo saldhigga Milateri, muddoda uu dhaqan-galka yahay heshiiska u dhaxeeya labada dhinac.
J) Xarunta Saldhiggan Milateri waxay leedahay xurmo iyo xasaanad diblomaasiyadeed oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo xuquuqda ay siiyaan heshiisyada leh dabeecaddan oo kale.
X) Kiraystuhu wuxuu xaq u leeyahay in aan wax macaash ah iyo cashuur ah toona la saarin wixii uu qalab ciidan iyo dhisme uu la soo dego.
Kh) Qalabka iyo agabka kiraystaha loo siiyay cashuur dhaafka uma saari karo debedda ee wuxuu ku isticmaali karaa saldhigga gudihiisa oo kaliya.
D) Kiraystuhu hantidiisa ayuu ku maalgashanayaa wuxuu uu ku kordhiyo dhismaha jira iyo adeegyada asaasiga ah, sida (Nalka, Biyaha, Internetka iyo Isgaadhsiinta), kireeyuhuna waa in uu u fududeeyaa.
13. Maqaadiir (Force Majeure Eevent):
Kadib marka heshiiskani la saxeexo, haddii ay timaaddo maqaaddiir Eebbe ama masiibooyin aan laga hor tagi Karin ama la joojin Karin, sida Duufaanno, ama dhul-gariir, waxna aanay ka qaban Karin labada dhinac, khasaaraha ka yimaadda, haddii dhinac xilkii la gudboonaa fulin waayo, cidna mag-dhow looma raaci karo.
14. Xallinta Khilaafaadka (Dispute Resolution):
B) Haddii Khilaaf ama is-afgaran-waa ku saabsan heshiiskan uu ka dhex dhasho labada dhinac (Kiraystaha iyo Laga Kireeyaha), ama la jebiyo qodobo ka mid ah heshiiskan, waa in labada dhinacba ay isku dayaan in ay ku xalliyaan wixii is-qabad ah ama is af-garan waa ah, si wanaag iyo saaxiibtinimo leh, kuna so oaf-jaraan muddo soddon Cisho (30) gudahood ah.
T) Haddii labada dhinac, ay xallin kari waayaan khilaafka ama is af-garan waaga yimi muddo soddon Cisho (30) gudahood ah, waxaa lagu xallinayaa dhexdhexaadin (Arbitration) iyada oo la adeegsanayo xeerarka caalamiga ah ee London Court of International Arbitration (LCIA), dhagaysiga dacwadduna ka dhici doono Magaalada London.
15. Joojinta Heshiiska iyo waxa ka dhallan kara (Termination and Consequences):
B) Labada dhinac ee heshiiskani ka dhaxeeyaa waxa ay xaq u leeyihiin in ay ka baxaan heshiiskan, haddii dhinac gudan-waayo waajibkiisa, sida heshiisku uu dhigayo. T) Labada dhinac waxa ay xaq u leeyihiin in ay adeegsadaan xeerarka Caalamiga ah ee London Court International Arbitration (LCIA), si ay u helaan wixii magdhow ah ee ay ku dacwoodaan.