Somaliland: Ciidamada RRU-da oo Caawa Goor-dhaweyd Gurigiisa Kala Baxay Siyaasi Xamarje

Date:

Ciidamada booliska Somaliland ee RRU-da, ayaa caawa goor-dhaweyd gurigiisa kala baxay siyaasi Axmed Xaaji Cabdillaahi Cumar (Xamarje) oo ka tirsan saraakiisha ugu sar-sareysa Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Sida ay warbaahinta Wargane u xaqiijiyeen ehelada sarkaalkaasi, ayaa sheegaya in ciidamo aad u tiro badani ay ugu soo daateen gurigiisa, isla mar ahaantaana aanay illaa hada garaneyn meesha ay u qaadeen.

Ma jiraan illaa hada warar faahfaahsan oo ka soo baxaaya ujeedka ka dambeeya xadhigaasi balse waxa ay Xukuumaddu aad u dhowraysaa heshiiska saldhiga Milatari ee dawladda Imaaraadka oo maalinta beri ah laga horkeenaayo Golaha Baarlamaanka Somaliland, waxaana uu sarkaalkaasi hore uga mid ahaa saraakiil tira badan oo ka tirsan Xisbiga WADDANI kuwaasi oo si aada uga soo horjeestay tallaabada ay Xukuumaddu ugu fasaxayso dawladda Imaaraadka in ay Berbera ka sameysato Saldhig Milatari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...