“Somaliland Tacab Badan Ayaa Galay Oo Dad Badan Ayaa U Dhintay, Maaha Maalintii Uu Inana Yari Intuu Dubai Soo War-wareego Odayaasha Waxa Uu Doono Uu Marsan Lahaa” Eng Maxamed Xaashi Cilmi
Eng Maxamed Xaashi Cilmi, wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland hadana ka tirsan siyaasiyiinta madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka ayaa aad u dhaliilay fadhiga ay xukuumaddu isugu keenayso labada gole baarlamaan bilawga todobaadka soo socda, fadhigaas oo lagaga arrinsan doono heshiiska ay xukuumaddu saldhiga millatari ku siinayso dawladda Imaaraadka Carabta.
Xukuumadda ayaa shir aan caadi ahayn isugu yeedhay labada gole si arrinkaasi looga doodo, hase yeeshee Maxammed Xaashi Cilmi ayaa sheegay inaanay golaha wakiilada iyo guurtidu xaq u lahayn inay isugu yimaadaan arrimo noocan ah, waxaana uu taas bedelkeeda sheegay in golaha guurtida loogu yeedhayo si codka loogu badsado isla markaana ay xukuumaddu rabto in heshiis aan la arag oo aan cid saxeexday la ogayn in dur-duro lagu ansixiyo, sidoo kale.
Maxamed Xaashi Cilmi oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:
“shirka la qaban doono Sabtida ee ay labada gole isugu imanayaan, shirkaas oo aan ahayn shir caadiya oo ay labada gole isugu iman karaan laakiin qolada guurtida waxaa loo doonayaa inay codka badiyaan, shirkaasi waa shirkii Somaliland lagu baab’in lahaa, dawlad aan ina ictiraafsanayn oo aan waxba inaga dhaxayn ayaa maanta loo wadaa inaynu maanta noqono kal-kaaliyayaashii Somaliland baabi’in lahaa oo la isugu yeedho labada gole oo aan xaq u lahayn inay isugu yimaadaan arrimahaas oo kale, dhibaatadu waxay tahay kolka la isugu yimado waxaa la doonayaa heshiis aan la tusin baarlamankii oo aan la keenin, oo cid saxeexday aan war loo hayn ayaa la leeyahay heshiiskaas ayaynu taageeraynaa taasina wax meesha ku jira maaha, heshiis Xasan Sheekh laga soo saxeexay oo kale oo aan Somaliland-ba shaqo ku lahayn, kolkaa maalinta ay yimaadaan ee saldhigaas la furo ayay Somaliland baaba’day”
Eng Maxamed Xaashi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu golayaasha wakiilada iyo Guurtida ugu baaqay inaanay kulankaas ka soo daahirin, waxaana uu yidhi “Somaliland-na maalintaas ayaa ugu dambaynaysa maanta ayaynu dibadda joognaaye in laga fekero weeye oo labada gole wakiilada iyo guurtidu shirkani kii ay isugu iman lahaayeen maaha ee waa inaanay isku iman, guurtidana waxaa loo doonayaa inay tirada kordhiyaan, Somaliland waa lagu soo tabcay, dad badanbaa u dhintay, dedaal badan baa la soo galay, maanta tii inan yari intuu Dubai iyo meelahaas soo war-wareego dabadeedna uu odayaashii isagu ka wada awood sareeyo oo uu wixii uu doonayo uu marsado maaha” ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa.