Ciidanka Booliska Oo Xabsiga Dhigay Af-Hayeenkii Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Somaliland
Warar soo gaadhaya xafiiska war qabadka ee shabakada wargane.com waxaa ay sheegayaan in la xidhay af-hayeenkii xarunta xuquuqal iinsaanka Axmed Xuseen Cabdi.
Sidoo kale waxaa sidaasi qaar ka mid ah warbaainta u xaqiijiyey Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Guuleed Axmed Jaamac waxaana uu sheegay in xadhiga afhayeenku uu yimid ka dib markii uu maanta war saxaafadeed ka soo saaray dacwad ay ciidanka boolisku ku fureen Gudoomiye Guuleed taas oo la xidhiidha codsi uu soo bandhigay oo xarunta xuquuqal iinsaanku shacabka somaliland kaga dalbanaysay inay saxeexaan codsi loo gudbinayo madaxweyne Siilaanyo oo ku saabsan dib u habayn lagu sameeyo ciidanka Booliska.