Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay Doorashada Madaxweyne-nimada Soomaaliya oo lagu wado in 7-da bishan ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho, waxaanu sheegay in Somaliland ahaan iyo UCID ahaanba ay doonayaan in Meeshaa ay ka soo baxaan Dad nadiif ah oo Somaliland ula gar-naqsato Dawlad ahaan.
Faysal Cali Waraabe, wuxuu sheegay in Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku tartamayaan Musharraxiin ka badan 17 xubnood uu hadheeyay Musuqmaasuq baahsan isla-markaana Musharraxiintu isticmaalayaan Lacag badan oo ay ku kala jiidanayaan Xildhibaannada Baarlamaanka ee dooranaya Madaxweynaha Soomaaliya hoggaamin doona Afarta Sannadood ee soo socda, waxaanu u soo jeediyey Xildhibaannada Soomaaliya inay ILAAHAY ka cabsadaan oo ay Dadkooda u hiiliyaan oo ay doortaan Qofka ay u arkaan inuu Soomaaliya dan u yahay.
Faysal oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Annagu UCID ahaan waxaanu jecelahay inay Doorashada Soomaaliya ka soo baxaan Dad nadiif ah, oo aanu Somaliland iyo Soomaaliya u wada-hadallo oo aanu laba Dawladood oo Walaalo ah noqonno.”
Guddoomiyaha UCID wuxuu farriin u diray Madaxweynaha Xilku ku dhamaaday ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo ololaha Doorashada ku galay inuu dib u soo celinayo Midnimadii Soomaaliya iyo Somaliland, “Xasan Sheekhoow ha ku seexanin inaad Somaliland iyo Soomaaliya isku keentid, waa Baabacdaa Timo ma ka soo bixi. Waayo? waad ogtihiin in Somaliland ay jid khaas ah qabsatay 25-kii Sannadood ee u dambeeyay, oo Ninka 25-kaa Sannadood jiraa aanu Soomaaliya dib ugu noqonayn.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Xasanow waadigii Afka iska xumeeyay, ee Halgankayagii iyo Dadkii naga dhintay ku sheegay Caadifadda, ee yidhi ‘Caadifaddii way dhamaatay’. Waxaad tahay dadkii dhegaysan jiray Radio Muqdisho ee ku barbaaray Borobagaandadii Maxamed Siyaad Barre, ee aan aqooninba Somaliland tayadeeda iyo Awooddeeda.”