“Waxaanu is-leenahay waad ku guuleysateen sidii aad uga dhaadhicin lahaydeen Somaliland..” Dr. Sacad Cali Shire
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ka warramay kulammo uu Magaalada Addis Ababa kula soo yeeshay Wasiirro iyo Safiirro ka mid ah kuwa Dalalka Afrika oo ka qayb-galay Shirkii Midowga Afrika oo Magaalada Addis Ababa ka socday 24-kii illaa 31-ka bishii January ee Sannadkan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ka dib kulan uu la yeeshay Wefti ka socday Jamhuuriyadda Czech oo socdaal ku jooga Somaliland, ayaa sheegay in Wasiirrada iyo Diblumaasiyiinta Afrika ee uu kula kulmay Addis Ababa uu u bandhigay Qaddiyadda Somaliland, sidaa darteed uu ku rejo-weyn yahay in Somaliland Saaxiibbo ku yeelatay ururka Midowga Afrika.
Wasiir Sacad oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Muddadii uu socday Shirka Midowga Afrika oo ahayd 24-kii illaa 31-kii bishii January ee Sannadkan waxaanu joognay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya oo uu ka socday Shirka Midowga Afrika.”
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay, “Ujeeddadayadu waxay ahayd inaanu la kulanno Madaxda Afrikaanka ah ee halkaa iskugu timid, oo aanu kala hadalno, kana dhaadhicinno Qaddiyadda Somaliland, waxaanu la kulanay Wasiirro iyo Safiirro faro badan oo Waddamo faro badan ka kala yimid, waxaanu is leenahay waad ku guuleysateen sidii aad uga dhaadhicin lahaydeen Somaliland. Markii ugu horeysayna ma ahayn ee Kal-horena sidaas oo kale ayaanu ula kulanay Wasiirro badan oo Waddamo badan ka socday, Wakhtigaana si fiican bay noogu dhacday, markaa waxaanu ku han-weynahay inaynu Saaxiibbo ka samaysannay Qaaradda Afrika.”ayuu yidhi.