Somaliland: Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka Oo Sheegay Inay Sharciga La Tiigsan Doonaan Qofka Gaadhi Kaxeeya Isagoon Bilaa Liisan Ah.

Date:

Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka Somaliland, ayaa bilaabay dedaallo ay wax kaga qabanayaan dhibaatada Shilalka Gaadiidka oo ku soo badanaya Dalka, waxayna Mabnuuceen in Qof aan sidan ama aan lahayn Liisan uu Gaadhi kexeeyo.

Taliyaha Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka, ahna Afhayeenka Guud ee Ciidammada Booliiska Somaliland Faysal Xiis Cilmi oo Shalay la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in Qofka liisan la’aan kaxeeya Gaadhi uu yahay dambiile isla-markaana Sharciga la hor-geynayo si loo Xukumo.

Taliyaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Ciidanka Nabad-galyada Waddooyinku aad buu u shaqeynayaa, waxayna qabanayaan wixii Sharcigu farayey oo ah inay eegaan Liisanka Wadayaasha Baabuurka, Buugga gaadhiga. Liisan La’aantu waa Dambi siduu qabo Qodobka 57 ee Xeerka Nabadgalyada Waddooyinku, weliba Ciqaab buu mudanayaa.”

Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay, “Dhawaan Maxkamadda Degmada Hargeysa waxay xukuntay 9 Dirawal, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ahaayeen Bilaa Liisan, Xawaare sare-na ay waddooyinka ku marayeen, waalla qabtay oo Xabsiyada ayay ku jiraan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Markaa waxaanu Dadweynaha sharafta leh u sheegaynaa in marka ay baabuurta kaxaynayaan ay soo qaataan Liisankooda iyo Buugga Gaadhigaba.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...