Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta kula hadley xafiiskiisa waxaa uu ka hadley doorashooyinka madaxtinimo ee dalka Somaliya dhawaan ka dhici doonta
Muddane Faysal Cali Waraabe waxaa uu eedeymo culus u soo jeediyey madaxweynaha dalkaasi Xassan Sheekh Maxamuud oo iminka ah musharax u taagan in uu mar labaad dalkaasi madaxweyne ka noqdo waxaana uu ku sifeeyey masuul aan hido u laheyn in uu madaxweyne noqdo isla markaana uu madaxtinimada dalka Somaliya oo lacag ka urursadey
Sidoo kale Faysal Cali Waraabe waxaa uu xildhibaanada dalkaasi ee dhawaan dooran doona madaxweynaha uu ugu baaqay in ay si xalaal ah wax u doortaan oo aanay musharaxna lacag ku dooran balse inta ay lacagta ka cunaan ay cidii dalka Somaliya dan u ah doortaan