Arsene Wenger Oo U Sheegay Xiddigihiisa: Waa Inaad Ka Walwashaan Chelsea Ee Ma Ahan Inaad Aniga Iga Walwashaan.

Date:

Arsene Wenger ayaa u sheegay ciyaartoydiisa inay diirada saaraan kulanka Chelsea ee maanta oo aysan ka walwalin mustaqbalkiisa kooxda Arsenal.

67 jirkaan ayaan weli ka warbixinin haddii uu baaqi ku sii ahaan doono Emirates Stadium wixii ka danbeeya qandaraaskiisa haatan oo dhacaya xagaaga soo socda.

Guuldaradii Arsenal soo gaartay bartamihii isbuuca ee kulankii Watford ayaa ka dhigtay in kooxda Arsene Wenger ay sagaal dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Chelsea oo ay galabta Stamford Bridge ku kulmayaan, waxaana macalinka Faransiiska uu doonayaa in kooxdiisa diirada saarto mustaqbalka dhow halkii ay ka walwali lahaayeen mustaqbalkiisa mudada dheer.

“Mustaqbalkeyga mar walba waa la hubaa. Waxaan diirada saarayaa boqolkiiba boqol ilaa iyo maalinta ugu danbeysa qandaraaskeyga. Waana sida kaliya ee aad ku xaqiijin karto mustaqbalka” ayuu yiri Wenger, kaasoo dhawaan u dabaaldegay 20 sannadood uu macalin ka ahaa kooxda.

“Waxaan ka walwaleynaa kulanka berri [Sabtida]. Berri ma ahan xagaaga. Waa berri.

“Ciyaartoy waxaa qasab ku ah inaysan ka fekerin wax ka baxsan kulanka Chelsea. Waa qasab inay diirada saaraan kulanka berri [Sabtida]”

Arsene Wenger ayaa ganaax ku seegaya kulanka galabta ee Stamford Bridge isagoo taribuunka ka soo daawan doona madaama uu bartanka kaga jiro ganaax afar kulan ah oo uu kala kulmay xiriirka kubada cagta Ingariiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...