Ka hor kulanka adah ee Chelsea v Arsenal ee beritoole, kanalka Sky Sporst ayaa soo xushay shaxda wadajirka ah ee labada koox ee ay ku qiimeysay barnaamijkooda ay ku qiimeeyaan qaab ciyaareedyada ciyaartooyda ee todobaad waliba ee Sky Sports Power Rankings…
Waxay ay shaxdaan wadajirka ah ka sameeyeen xidigihii inta ugu badna kasoo muuqday qiimeyntooda ee ka tirsan kooxaha Chelsea iyo Arsenal iyagoo isticmlaaya shaxda 3-4-3 laakin imisa ciyaartoy oo Arsenal ah ayaa kasoo muuqday ?
Goolhaye:Thibaut Courtois ayaa booskaan ku garaacay dhigiisa Arsenal ee Petr Cech wuxuuna ilaa haatan yahay goolhayaha inta ugu badan kasoo qiimeynta Sky ee Premier League wuxuuna goolhayaha Blues ilaa haatan garoonka kala baxay 13 kulan oo aan shaqiisa la taaban waxaana laga dhaliyay goolasha ugu yar horyaalka ingiriiska isagoo gudoomay kaliya 16 kadib 23 kulan oo uu ciyaaray halka Cech uu kaliya todobo kulan la baxay shabaq nadiif ah sidoo kalena laga dhaliyay 25 gool.
Daafacyada: Daafaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa ah daafaca heysta qiimeynta ugu badan horyaalka ingiriiska dhan waxaana shaxdaan kaga garab ciyaaraya daafacyada Chelsea ee Cesar Azpilicueta iyo Gary Cahill iyadooo Cahill uu si dirqi ah kaga adkaaday saaxiibkiisa kooxda ee David Luiz.
Khadka DHexe: Xidigaha garab danbeedyada ah ee Marcos Alonso iyo Victor Moses ayaa aasaasi u ahaa guulaha waa weyn ee Chelsea tan iyo markii ay u badasheen shax ciyaareedka 3-4-3 kulankii Hull ee bishii October waxayna labadaba ku soo baxeen shaxdaan wadajirka ah.
Burburiyaha Chelsea ee N’Golo Kante isagu booskiisa waa budo gaar u tuman wuxuuna ka garab ciyaarayaa dhigiisa Arsenal ee Mesut Ozil oo booska kala baxaya Nemanja Matic.
Weerarka:Malaha sadexdaani waxay wada dhisi lahaayeen weerarka ugu fiican ee horyaalka Premier League, Diego Costa ayaa hogaaminaya weerar sadex geesood ah oo ay ka kooban HAD (Hazard, Sanchez iyo Diego Costa).