Somaliland: Xildhibaan Bidhi oo Sheegay In Dadkii Abaartu Tabaaleysay soo galeen Burco

Date:

Xildhibaan Mubaarik  Yuusuf  Cilmi  Mubaarik   Bidhi oo ka mid ah Golaha    deegaanka   degmada   Burco ee gobolka Togdheer,  ayaa walaac ka muujiyay heerka ay marayso abaarta ka jirta goballada bari ee dalka.

Mubaarig Bidhi oo maanta  qaar ka mida warbaahinta kula hadlay magaalada Hageysa,  ayaa   sheegay in uu ugu deeqay  labo bilood oo  mushaharkiisii ah   dadka abaartu hayso ee ku dhaqan gobolka Togdheer,waxaana uu xusay in dadkii abaartu saamaysay ay soo galeen magaalooyinka gobolka  gaar ahaan magaalada Burco.

“Abaarta ka jirta dalka gaar ahaan goballada bari,  waa mid aad u ballaadhan haddii ay tahay dawladda iyo tahay shacabka reer Somalilandba,   gudo iyo dibadba si   mugleh ayay gacan uga gaysteen abaartan jirta,walina abaartu waa taagan tahay waana abaar oo baahsan oo dad iyo duunyaba saameysay,”ayuu yidhi Xildhibaan Mubaarig Bidhi.

Waxa kale oo uu intaas ku daray, “Dadkii abaartu saameysay,  waxay  soo   galeen   magaalooyinka    dadkii xooluhu ka dhammaadeen intoodii ugu badneyd waxa ay soo galeen gobalka togdheer,caawimo  ayaa  xukuumaddu    gaadhsiiyay 25 kun oo qoys oo ka soo bara kacay abaarta jirta.    gole deegaan ahaana 50 kun oo doolar ayaan miisaaniyada ugu darnay dadkaa abaartu hayso. aniguna ka xildhibaan    ahaan    waxa  mushaharkaygii    bilihii   ugu dambeeyay  ugu   deeqay   dadkaa naafeysay     iyo in ka badanba.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...