Somaliland: Xildhibaan Cabdiraxman Dheere Oo Ganacsatada Ugu Baaqay Inay Jabiyaan Maceeshadda

Date:

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada,gaar ahaan Guddida Arimaha Bulshada, kana tirsan Xisbiga Kulmiye, ayaa hadlay Maceeshada, waxaanu Ganacstada kala duwan ee Somaliland ugu baaqay inay dadka u naxariistaan, oo madaama qiimihii lacagta sarifka ee Doolarku hoos u dhacay inay iyana maceeshada jabiyaan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay mawqifka ay Beesha Caalamku ku diidan yihiin dib u dhaca Doorashada Madaxtooyada, waxaanu yidhi ugu horeyn isagoo ka hadlay qiimaha sarifka lacagta doolarka “Waa loo baahnaa in sicir bararka wax laga qabto si lacagteenu qiimo u yeelato, balse markaad lacag doolar ah sidato inta qiimihii la gooyo ayaa lagu siinayaa lacag kaash ah, laakiin gacanta dambe markaad lacag doolar ah doonayso lama helayo lacagtii doolarka, maxa yeelay lacagtii doolarka ahayd ayaa la urursanayaa, oo marka aad lacag doolar hayso waa laga sarifanayaa, marka aad doonaysana heli maysid, markaa waa in xal loo helaa, oo Xukuumaddu xal u heshaa,oo Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga dhexe xal deg deg ah keenaan”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere isagoo ka hadlaya Maceeshada wuxuu yidhi “Dadka Ganacsatada ahi waa inay dadkooda u naxariistaan, waa inay hoos u eegaan dadkooda masaakiinta ah ee boqolkii doolar waxba u tari waayeen, imikaba qiimaha doolarka qasab baa lagu riday ee intii la qasbi lahaa Ganacastada oo la odhan lahaa kilooga Bariiska ah intaas ku iibiya, waa inay iyagu is xilqaamaan, oo dadkooda u naxariistaan”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere mar uu ka hadlaayey mawqifka beesha Caalamka ee ay ku diidan yihiin dib u dhaca Doorashada iyo heshiiska Xisbiyada Somaliland ayaa yidhi “Dalkeena abaar baa ka jirta, dadkeena dhibaato ayaa haysata, markii ay isku yimaadeen Xisbiyada Qaranku in badana wada tashadeen, xaalada guud ee dal iyo dadkaba eegeen, waxay isla garteen in dalka aanay Doorasho ka dhici karin, dadkuna aanay gali karin Doorashada, mudada todobada bilood ee Doorashada dib loo dhigayna waa wax lagu heshiiyey, ee Beesha Caalamku ha ku eekadaan caawimadooda, oo arimaheena gaarka ah yaanay soo dhex galin, wadana arimihiisa gaarka ah laguma maamule”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...