Ciidammada Ammaanka ee Gobolka AWDAL, ayaa Shalay gacanta ku dhigay Afar Nin oo Gabadh yar oo 7 Sano jir ah ka xaday Magaalada Hargeysa isla-markaana doonayey inay Dalka kala baxaan.
Raggan oo Gabadha yar gaadhi kaga qaatay guri ku yaalla Xaafadda Xawaadle ee Magaalada Hargeysa, ayaa la tagay Magaalada Boorama, laakiin Ciidammada Booliiska oo ku daba jiray, ayaa Gacanta ku dhigay iyagoo doonaya inay Magaalada Boorama kala baxaan Gabadha yar, una Safriyaan Dalka dibaddiisa.
Ilo-wareedyo Xog-ogaal ah, ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in Ragga Gabadha yar xaday ay ahaayeen Afar Nin oo laba u dhasheen Dalka Yemen, labada kalena ay yihiin Muwaadiniin Reer Somaliland.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in Booliisku ay Ragga Gabadha yar lagu qabtay ay ku xidheen Xarunta Taliska Booliiska ee Gobolka Awdal ee Boorama, si Maxkamad loo hor-geeyo oo ay Ciqaabta Dambigan u maraan.
Ilaha aan xogtan ka helay, waxay intaa ku dareen in Xaaladda Caafimaad ee Gabadha yar Wanaagsan tahay.
Taliska Guud ee Ciidammada Booliiska Somaliland oo Xalay Wargeyska Himilo dhowr jeer la xidhiidhay si aanu arrintan wax uga waydiinno, ayaanay noo suurto-gelin, ka dib markii ay Telefoonnadooda Gacanta naga qaban waayeen.
Falalka noocan ah, ayaa Sanadihii u dambeeyay ku soo badanayey Dhulka Soomaalida, gaar ahaan Somaliland.