Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa amrey in la hakiyo in si rasmi ah loo hawl galiyo shaqaalaha dawlada iyo ciidamada dalka ee ku jira miisanyada sanadka 2017.
Qoraalkan ayaa waxaa ku taariikheysan 01.24.2017 waxaana qoraalka madaxweynaha lagu socodsiiyey wasaarada Maaliyada , Arimaha Gudaha , Madaxtooyada , Ganacsiga , Xeer Ilaaliyaha Guud , Baanka Dhexe iyo xisaabiyaha guud ee qaranka .
Madaxweyne Siilanyo waxuu ku sheegay in golaha wasiiradu shirkii ay ka yeesheen joojinta sicir bararka ay ku go,aamiyeen in la qaado talaabooyin deg deg ah oo lagaga hor tagaayo sicir bararka iyo qiimo dhaca lacagta Somaliland .
Sidoo kale madaxweyne Siilanyo oo go,aamadii golaha wasiirada tix raacaya waxuu taxay 17 qodob oo ah go,aamo uu sheegay in ay waajib qaran in la fuliyo .
Qodobkan oo aanu madaxweynuhu wax faahfaahin ah raacin ayaan la garaneen sida uu samayn ugu yeelan karo sicir bararka iyo qiimo dhaca lacagta Somaliland