Somaliland: Xukuumadda Oo Mamnuucday Isticmaalka Baasaaboorka Somalia Ee Lagu Sameeyey Gobolada Somaliland

Date:

Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, ayaa shirjaraa’id oo ay shalay si wada jir ah ugu qabteen Xarunta Wasaarada Arimaha Gudaha, goobjoogna ka ahaayeen Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, iyo Taliyaha laanta Socdaalka Somaliland, ayaa waxa ay ku shaaciyeen in ay dib u cusboonaysiin ku sameeyeen, Amarkii hore loogu joojiyey Basaboorka Soomaaliya ee lagu sameeyo Somaliland gudaheeda, laguna qoro in laga bixiyey.

Waxaanay sheegen in ay Wasiiradu isla qaateen Go’aamadan

In gabi ahaanba la joojiyey qaadashada, isticimaalka iyo ku safarka Basaboorka ee ka soo baxay ama ku qoran tahay in lagu sameeyay goob ka mid ah dhulka Somaliland laga bilaabo, bisha 1aad ee sanadka 2017.

Dhamaan Shirikadaha Safarka iyo Diyaaradaha ( Air lanes and Travel Agencies) kuma jari karaan tigidh Basaboorka kor ku sheegan ee la magnuucay isticimaalkiisa.

Dhamaan laamaha Socdaalka iyo Amniga waxa la farayaa, in aan Baasaboorkan Dalka lagu soo gali Karin lagagana bixi Karin.

Wasiirka Arimaha Gudaha Yaasiin X Maxamuud Xiir (Faratoon) oo iftiiminaya u jeedka shirka jaraaid ayaa yidhi:-“bismilaah saaka aniga iyo madaxda halkan fadhidaa ee ay ka mid ka yihiin Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka wasiir udawlaha amniga, Jananka Ciidanka Police iyo Jananka Ciidanka Socdaalka waxaanu halkan u fadhinaa inaanu shaacino inaanu cusboonaysiin ku samayno qaraaro hore loosoo saaray oo ku saabsan isticmaalka Passport ka Somalia ee lagu sameeyo gudaha Somaliland

Wasiiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe oo faahfaahinaya go’aamadan ayaa yidhi:- “lama mamnuucin oo Passport Somalia lagu soo sameeyaa waxa uu la mid yahay ninka sita Passport America Passport Djibouti waa isku mid Visa waa la siin karaa wanu kusoo geli karaa si sharci ahna wuu kaga bixi karaa, Laakiin Passport Dalkale, oo Dalkeena lagu sameeyay sidaa wasiirka arimaha guduhu cadeeyay waa mamnuuc qaraarkii hore ayaanu ayidaynaa waxaanuse usoo rarnay mudadii hore ee la mamnuucay ee aanu uga dhignay laga bilaabo bishan aynu ku jirno ee January si aanu ugu fududayno dadkii hore qaatay, si aanay dhib uga iman, sidoo kale kuwa qaadan doonana ay fursad ugu noqoto inay kasoo qaataan Dalkaa leh ee Somalia dabadeedna sidii Dalkale ay sifa sharciya kusoo galaan Dalka.”

Wasiir Farxaan ayaa sheegay in uu go’aankan ayiday, waxaanu yidhi: “Waxaan ayidayaa hayadaha kale ee wasaaradayda hoos yimaada ee ay kamid yihiin shirkadaha tigidhada jara sida wasiirku sheegay (Travel Agencies) ama shirkadaha diyaaradaha inaanay ku jarin tigidh Passport lagu farsameeyay dalka Jamahuuriyada Somaliland hadii ay ku jaraana ay tahay denbi sidoo kale Culimada iyo Fudeediyayaasha Xajku inay ka tabaabulshaystaan imikay wakhti haystaan oo hadhawto aanay Xujaajta, aanay noosoo tubin Madaarka sidii hore u dhacday ee imikay wakhti haystaane ay tabaabulshaystaan sidii ay Passport kaa uga soo qaadan lahaayeen Dalka Jamahuuriyada Somalia.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...