Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warshadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Timacad) ayaa ka hadlay weedho uu saluugay oo ka soo yeedhay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Yasiin Xaaji Maxamud Xiir (Farton) maruu ka hadlay Geerida ku timid Gudoomiyihii hore ee Sariflayaasha Hargeysa Alle ha unaxariistee Cabdilaahi Cali Barre oo ku dhex geeriyooday Saldhiga ay Xukuumaddu ku xidhatay,Waxa uu Abiib ku dhaliilay Wasiirka kalmad uu ku sababeeyay Geerida Gudoomiyaha oo uu ku sheegay inuu u dhintay Ilko uu liqay,Waxaana uu abiib hadalkaasi ku tilmaamay hadal xanafleh oo damqay ehelkii marxuumka.
Wasiirkii hore ee Warshadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur oo shalay Warbaahinta kula hadlay Aaskii Qaran ee loo sameeyay Alle ha unaxariistee Gudoomiyihii hore ee Sariflayaasha Hargeysa oo shalay la duugay ayaa waxa uu ugu horayn si kooban uga hadlay Shaqsigii uu ahaa Marxuumku waxaana uu yidhi“Inaalilaah Wa Inaa Ilaahi Raajicuun,Cabdilaahi Cali Barre nin muumin ah ayuu ahaa,Nin Wanaagsan ayuu ahaa,Nin Ehlu diin ah ayuu ahaa,Nin Walba Aaskiisa ayaa laga gartaa oo waydinkaa arkaya,Nin waliba waxa uu mudan doono, Ergada ayaa laga gartaa,Alle samir iyo Iimaan ha inaga siiyo,Eheladii iyo Qaraabadii,Alle Samir Iyo Iimaan Saadiq ah haka siiyo,Isagana Illaahay Naxariistii janno haka waraabiyo”.
Abiib Diiriye Nuur ayaa Waxa uu daaha ka qaaday inay ka ehel ahaan aad uga xumaadeen hadalkii Wasiir Fartoon ku sheegay inuu Marxuumku u dhintay Ilkihisii oo uu liqay,Waxa uu yidhi isagoo hadalkaasi daba socda “Waxaan aad iyo aad uga xumahay runtii haddaanu ehelkii iyo Qaraabadii nahay,oo isaga oo aan warba ka hayn,oo wuxuu u dhintay iyo wuxuu mutaystay midna aan ogayn ayaa inta uu shir jaraa’id qabtay yidhi,Ilkihiisa ayuu liqay,oo Dilay,Arintaasi waanu ka xunahay runtii, Waanay na taabatay oo way nadamaqday,Waana ceeb,Nin Weyn oo masuul ah oo Wasiir ah inuu isaga oo aan Waxba hubin inuu iska hadlo oo uu arimaha Noocaasi ah ama eryada noocaasi ah ku hadlo waa nasiib daro qaranka haysata,Haye kastaa ha udhiibo,Laakiin isaga masuuliyad ayaa qarankan ka saaran, oo Umaddan ka saaran,oo wasiirkii ugu tunka waynaa Wasiiradda,Ama haloo dhiibo ama hakeenee,Inuu eryada noocaasi ah ku hadlaa aad iyo aad ayaanu haddii aanu ehelkii nahay uga xunahay,Arinkaasina wuu nadamqay”.Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Wasiirkii hore ee warshadaha Somaliland.
Somaliland: “Waxaan Aad Uga Xumahay Anagoo Ah Ehelkii Iyo Qaraabadii Marxuumka,Hadalkii Wasiirka Ee Ahaa Ilkihiisa Ayuu Liqay Oo Dilay Arrintaasi Way Na Damaqday”..Mujaahid Abiib Timacad
Date: