Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi
Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka dareen-celiyey heshiiska Madaxweynaha Somaliland, hoggaanka sadddexda xisbi iyo Komishanka Doorashada Qaranka isula meel dhigeen in doorashada Madaxtooyada dalka la qabto 10/10/2017, isla markaana xaaladda abaarta daran ee ka jirta dalka dib looga dhigo waqtigeedii hore ee ay ahayd inay dhacdo ee 28 March 2017.
Guddoomiye Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay Madaxtooyada markii heshiiska la kala saxeexday, waxa uu sheegay inay go’aankaas u qaateen danta qaranka iyo xaaladda dalku ku jiro darteed, waxaannu Golaha Guurtida oo iyagu iska leh awoodda ugu dambaysa ee muddo-kordhinta xukuumadda ka codsaday inay tixgelin gaar ah siiyaan heshiiska ay sida wada jirka ah u gaadheen daneeyaasha doorashooyinku.
Md. Muuse Biixi oo faahfaahinayey go’aankan la isla qaatay iyo sababta keentay, waxa uu yidhi, “Wadahadalkii iyo gorfayntii ahayd maxaynu yeelnaa abaarta iyo saamaynta ay ku yeelatay doorashada, waxaannu isla qaadanay inay doorashada Madaxtooyadu noqoto 10/10/2017, labada doorasho ee Baarlamaanka iyo Golaha Deegaankana la isa saaro oo sannad ka dambeeyaan oo ay noqdaan 10/10/2018-ka. Arrinta dhinacyo badan baa laga eegay oo Komishankii baa soo galay, Madaxweynihii baa galay oo xisbiyadii baa galay, markii danta qaranka aanu dhinac walba ka eegnayna waxay noqotay inaannu halkaas dhigno oo ay noqoto inaan marba la odhan tii horaa la gaabiyey iyo tanaa la gaabiyey, waxaannuna rajaynaynaa inay Guurtidu nagu raaci doonto, waanuna ka codsanaynaa intaas oo qaranka ahi halka ay isku raacday inay ku ekaato.”
Dhinaca kale, Guddoomiyuhu waxa uu ka hadlay dhibaatada sicir-bararka ee waddanka ka jirta, waxaannu bogaadiyey go’aamada uu soo saaray Madaxweynuhu ee la doonayo inay xal u noqdaan sicir-bararka, “Dhibaatada kale ee jirtaa waa sicir-bararka, Madaxweynuhuna xalay (habeenkii Arbacada) waxa uu soo saaray go’aan uu si fiican ugu qeexay wixii arrintaas laga qabanayo, qaran ahaana waxa inagu waajib ah inaynu wareegtadaa Madaxweynaha dhammaanteen ku wada hawlgalno si aynu arrintaas xal ugu helno oo aan qabo xal aad looga baraan-degay inuu yahay oo dhinacyo badan taabanaya, waxaannan qabaa haddii aynu dhammaanteen taa wada taageernana in sicir-bararku hoos u dhaco oo shalay (Salaasa) iyo maantaba (Arabaca) isku mid maaha, taasina waxay u baahnayd tallaabo la qaado oo ay dawladdu dhiirranaan ku qaado, waxaan filayaa ganacsatadu inay u dhego nuglaan doonto ama ay raaci roonto habkaa xalka qaranka ah ee madaxweynuhu soo jeediyey oo danta qaranka waa loo wada simanyahay,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.