ka dib sixir barar aad u balaadhan oo Somaliland ka jirey sanadihii ugu dambeeyey ayaa waxa ugu dambayn go,aamo ka soo saartey Xukumada Somaliland.
Inkasta oo aan wali si rasmi ah loo fulin hadana hoos udhaca ku yimi Lacagta Doolarka ayaa keentey in ay jabaan raashinkii oo ahaa kan ugu badan ee Bulshada Somaliland la dhibaatoodaan xili kasta.
Halkan ayaa waxa aan idin so gudbin doono maalmahaasi kooban ee qaraarka laga soo saarey maciishada Suuqyada Somaliland waxa iska bedeley.
Halkan Ka Akhriso Qiimihii Hore iyo Kan Hada uu Taagan yahay
- 1.Kiishka Bariiska ahi Dorraad…. wuxuu ahaa 219,000 Shilin, Maantana waa 178,000 Shilin.
- 2.Kiishka Sonkorta Hore-284,000 Shilin, Maantana 2,31000 Shilin.
- 3.Kiishka Daqiiqda Hore –167,000, Maantana waa–136,000 Shilin.
- Dhinaca kale Saliida Cagadaha iyo Daasacada Caano Boodhaha ayaa intoodii hoos uga soo dhacay ka dib markii hoos loo dhigay qiimaha doolar
Hoos u dhaca ayaa yimi ka dib markii go,aanka ay soo saartay Xukumada Somaliland lagu xadidaayo Qiimaha Sarifka Doolarka iyo lacagaha Qalaad.