Afhayeenka Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom Cabdi-wahaab Maax ayaa saaka amarka xadhiigiisa si rasmi u bixyeyey wasiir ku xigeenka wasaaradda Ganacsiga Somaliland kadib markii Shirkadda isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa ka hortimi go’aan ay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ka soo saartay xakamaynta sicir bararka iyo kor u kaca qiimaha isku bedelka lacagaha, go’aankan oo ay xukuumaddu ugu danaynaysay bulshada danyarta ah iyo dadka jilicsan ee uu noloshooda saameeyay sicir bararku.
Go’aanka ka soo baxay shir degdeg ah oo Golaha Wasiirradu yeesheen shalay, waxa ku jiray qoddob jidaynaya in aan ZAAD iyo E-DAHAB lagu shubi karin Telefoonada gacanta ee ay dadku isticmaalaan wax ka hooseeya boqol doollar, go’aankaasi oo ay si toos ah ganafka ugu dhufatay shirkadda TELESOM, isla markaana ay ku tilmaamtay mid siyaasadeed oo wax loogu dhimayo ganacsigooda.
Agaasimaha waaxda horumarinta bulshada ee TELESOM Mr. Cabdi-wahaab Maax, ayaa ku dooday in iyo adeegooda ZAAD ee mobilada lacagaha la isugu diraa aanu wax saamayn ah ku lahayn kor u kaca qiimaha isku bedelka lacagaha iyo sicir bararka cirka isku shareeray.
Afhayeenka u hadlay shirkadda TELESOM, ayaa go’aankan looga gol-leeyahay xakamaynta sicir-bararka ku tilmaamay qorshe siyaasadeed oo lagu xidhayo adeegooda ZAAD-ka, isla markaana loogu danaynayo wax uu ugu yeedhay shirkado kale iyo ganacsatada qaar ka mid ah, waxaanu si indho la’aana ugu andacooday in dadwaynaha iyo macaamiisha Zaadku ay isticmaalaan wax ka yar boqol dollar ilaa hal doollar.
Mr. Cabdiwahaab Maax, waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay u waramayay laanta afsoomaaliga ee idaacadda BBC-da, saacado kadib markii go’aanka dawladda lagu dhawaaqay.
Xudunta sicir bararka iyo sarif bararka is barkaday, ayaa masuuliyadeeda loo aaneeyay in adeegyada ZAAD iyo E-DAHAB, kuwaasi oo laf-dhabar u ah in ay keeneen sarif bararka bulshada danyarta ah laasimay, kaasi oo dhibaato wayn ku haya nolosha danyarta Somaliland.
Go’aankan shirkadda TELESOM ayaa u muuqda mid lagu degdegay oo ay ku difaacanayso dheefta xad-dhaafka ah ee shirkadaasi ay ka hesho adeegan la xadiday, waxaanay si toos ah gaashaanka ugu dhufatay go’aan dawli ah oo loogu damqanayay bulshada danyarta ah ee ay ka helaan macaashka xad-dhaafka ah.
Geesta kalena, Cabdiladiif Muxumed oo degan Hargeysa, ayaa xalay u sheegay wargeyska Dawan, in dhawaaqa TELESOM ay ku diiday qaraarka xukuumaddu uu ka turjumayo tudhaale la’aanta shirkadaas oo uu ku sifeeyay shirkad shisheeye. “Waxaan cambaareynayaa shirkadda TELESOM oo maanta (shalay) uun ummadda u caddeysatay inay tahay shirkad aan u damqanaynin shacabka ay dhiig miiratay ee ay lacagtii qaranku lahaana bahdishay. TELESOM waa shirkad leh dhaqankii shisheeyaha oo aanad moodin inay leeyihiin muwaadiniin reer Somaliland ahi. Waayo waxa uu afhayeenkoodii go’aankii aanu ku diirsanay shacab ahaan ee dawladdu soo saartay uu ku cambaareeyay saacado gudahood,”ayuu yidhi Cabdiladiif Muxumed.
Sahra Yuusuf oo iyana dareenkeeda ku wajahan arrintan qoraal kooban noogu keentay waxay tidhi, “Waxaan soo dhaweynayaa qaraarka dawladda oo aan leeyahay ha la heloo ha samaato. Laakiin waxaan xukuumadda ka codsanaynaa in la fuliyo oo laga dhabeeyo dhawaaqa dawladda oo aanu aad ugu faraxnay. Waxase aan naqdiyayaa TELESOM oo qaranimada iyo danta ummada ay kala weyn tahay danteeda oo kaliyi.”
Mustafe Sulub Muxumed oo ah dhallinyarada ka baxday jaamacadaha dalka, ayaa hanjabaad ku tilmaamay hadalkii afhayeen Cabdi-wahaab Maax, waxaanu yidhi, “Waxaan shalay galab BBC-da ka dhegaystay masuul ka tirsan TELESOM oo cambaareynayay go’aankii Golaha Wasiirradu ka soo saareen xaaladda aan la sii eegan karin ee sicir bararka. TELESOM hadalkeeda waxaan u fahmay hanjabaad ku socotay dawladda. Markaa wadankan dawlada ayaa talladiisa yeelan ama shirkadan lacagaha soo daabacata ee TELESOM. Wuxuu masuulkii afkeeda ku hadlayay ku dooday inaanu Zaad-ku sababin sarif bararka taasina waa hadal xaqiraad ku ah ummadda iyo dawladnimada labadaba.”
Mustafe Sulub waxa uu TELESOM u soo qaatay Gabaygii Saxansaxo ee Abwaan Gaariye, waxaanu yidhi “Alle ha u naxariistee Abwaan Gaariye wuxuu tiriyay maanso la yidhaahdo Saxansaxo oo ka hadlaysa in dhaqaalaha haddii cid gaar ahi qabsato inay tahay wixii laga dagaalamay. maansadaas wuxuu tiriyay 1987-kii. Waxaana ka mid ahaa
“Dabaylaha waxaa loo sakhirey, Nebi Saleebaane
Waa niman samayn kara milyaar, saacad gudaheede
Wax kastaba markii loo sahleey, sare u kaad-jeene.
Samadana kameey iman waxaa, rag isa siiyeene
Iyagaa saqiirkayga baday, suufta gaajada’e
Saamigaygi baa laga tabcaday, sarahan dhaadheere.
Samirkuna Hadraawoow wanaag, iima soo sido’e.”