“Intii aan WADDANI imi waxan arkayey haweenka oo aan isku dubo dhacsanayn, laakiin waxan ogaaday inay garabkii degmada Axmed-dhagax……”Hoggaamiye Xirsi Cali X. Xasan
Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay habacsanaan uu ku arkay xisbiga uu katirsan yahay ee WADDANI, gaar ahaan garabka haweenka uu saluug ka muujiyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Intii aan WADDANI imi waxan arkayey haweenka oo aan isku dubo dhacsanayn, laakiin waxan ogaaday inay garabkii Axmed-dhagax maqnaayeen, iyaguna waa kuwaas maanta yimi.”
Dhinaca kale waxa uu hoggaamiyuhu ugu baaqay xubnaha xisbigiisa inay u gurmadaan dadka abaartu dhibaatada gaadhsiisay, waxana uu ka markhaati kacay sida xubnaha xisbigaas jeebabkoodu u liitaan,“xisbi mucaarid ah baynu nahay oo waxana laga yaabaa in qofku isagu jeebkiisu wax uu ka bixiyo mooyaane inaanay jirin awood dawladeed oo aynu ku qaabilno haddii aynu WADDANI nahay, laakiin aynu door muhiim ah ka qaadano” ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Hoggaamiye Xirsi, ayaa hadalkan ka yidhi madal uu xisbiga WADDANI kusoo dhaweynayey haween kasoo jeeda degmada Axmed-dhagax, kuwaas oo uu xusay in kusoo biiritaankoodu cududda xisbiga wax ka tari doono.