Somaliland: Suldaanka Guud Ee Somaliland Oo Dhalilay Xukuumadda Siilaanyo Iyo Komishanka

Date:

“Guddida doorashooyinku Annaga Waa Noo Guddi La’aan, [Waayo] Inay Doorashada Dib U Dhigaan Marmarsiiyo Ayaa Ku Jira, Maadaama Oo Aanay Jirin Wax Gurmad Ah Oo Ay Xukuumaddu Ku Jirtaa”

Suldaanka Guud Ee Somaliland Oo Dhaliilay Xukuumadda Iyo Komishanka Doorashooyinka, Dib-u-dhaca Doorashadana Ayaandarro Ku Tilmaamay

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay xaaladda abaareed ee dalka ka jirta, waxana uu xukuumadda ku dhaliilay inay ka gaabisay gurmadkii abaarta. Suldaanka oo Hargeysa warbaahinta kula hadlay, ayaa sidoo kale cambaareeyey dib udhaca muuqda ee la filayo inuu ku yimaaddo qabsoomidda doorashadii madaxtinimada ee dalka ka qorshaysnayd dhammaadka bisha saddexaad ee sanadkan, waxana uu xusay in arrintaas canaanteeda ay xukuumadda iyo komishanku leeyihiin. Cudur-daarka xilligan dib udhaca doorashada loo cuskanayo ee ah abaarta ah, ayuu suldaanku marmarsiinyo ku tilmaamay, waxana uu yaraystay gurmadka xukuumadda ee xaaladda abaarta,“maadaama oo aanay jirin wax gurmad xagga abaaraha oo ay xukuumaddu ku jirtaa, inay doorashada dib u dhigaan mar-marsiinye ayaa ku jira, wakhti baa doorashada loo qabtay inay wakhtigeedii dhacdona waa la rabaa, laakiin abaar baa jirtee abaartii yaa u gurmanaya, dadkii u gurman lahaa saw kuwan doorashadii ku mashquulka ah” ayuu yidhi suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir. Suldaan Maxamed oo hadalkiisa sii wata, ayuu dhaliilay habka gurmad ee xukuumadda xaaladda abaarta ku qaabishay, waxana uu tilmaamay in dhimashadii dadku bilaabantay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“dawladda waxan

leeyahay gurmadna kuma jirtaan, idin kamana muuqato, markii hore xoolahaaba dhiman jiraye dadkii ayaa imika dhimanaya, daawooyin looma hayo, dhakhaatiir looma hayo, meel allah iyo meel ay dadkaas ku tiriyaana ma jirto, dawladdana dadkeeda dhimanaya iyo xoolaha waxa kala weyn doorashada.” Waxa uu Suldaanku ka digay in doorashada dib loo dhigo, waxana uu tilmaamay inay cawaaqib xumo badani ka dhalan karto, isaga oo bulshadana usoo jeediyey inay Sekada bixiyaan si raxmaadka eebe loo helo“doorashadu inay wakhtigeedii dhacdo ayaan anigu ku talinayaa, haddii kale belaayo intaas ka weyn ayaa ka iman doonta, abaarahana waxa keena waa Sekeda oo la haysto, haddii sekada la haystona cirkana biyo laguma arko, dhulkana baad laguma arko” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir. Isaga oo ka hadlaya muddo-kordhinta la filayo in dhawaan xukuumadda loo sameeyo, ayaa waxa uu yidhi,“muddo-kordhintani horena way inoo soo martay inaynu ka kornana way ahayd oo aan la odhan dawladdan dib u socodaka ahi, haddiiba ay muddada korodhsanayso anigu waxan qabaa dawladda dib u socod baa ku jira, aniguna shakhsi baan ahayoo muddada korodhsigeega raali kama ihi, haddii lagu bakhtiyayona wixii aynu dadka ugu ballan qaadnay in la fulayo ayaa fiican, waayo dawlad aan aqoonsi caalamka ka haysan baynu nahay, aqoonsina waxa inoo noqon kara inaynu inagu si caddaalad ah oo xaq ah isu maamulno.” Dhaliilo culus ayuu u jeediyey gudidda doorashooyinka qaranka, waxana uu caddeeyey inay xaggiisa guddi la’aan ka yihiin,“Guddiga doorashooyinku waxa ay wadaan dadka u sheegi maayaan, muddo ilaa  sanad ah bay hawshan ku jireen cid allah iyo cid ay wax u sheegeena ma jiraan, waxa ay qabanayaana waa inay qoddobo kasoo dhigaan, annaga guddidaasi waa noo guddi la’aan iyo wax xoog lagu marsanayo uun, waxana aan leeyahay guddidaas arrinteeda aynu ka fiirsano” ayuu yidhi Suldaanku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...