Somaliland: Musharax Cirro Oo Codka Raadinye Gobolkii U 11 Sanno Ka Hor u Kaso Baxay

Date:

Guddoomiye Cirro Oo Qiray Sida Uu U Dayacay Gobolkii 11 Sanno Ka Hor Sababta U Ahaa Xasaannada Kursiga Uu Ku Fadhiyo

Guddoomiye Cirro Oo Qiray Sida Uu U Dayacay Gobolkii 11 Sanno Ka Hor Sababta U Ahaa Xasaannada Kursiga Uu Ku Fadhiyo

 

“…. Waa Gobolkii La Iga Soo Doortay Haddana Markii Ugu Horraysay Ayay Ahayd Berigii Dhaweyd Ee Diiwaangelinta In Aan Xagga Bari U Dhaafo Biyo-Guure”

Guddoomiyaha golaha wakiillada, ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka markhaati kacay sida uu u hagraday bulshadii soo dooratay ee kasoo jeedda gobolka Saaxil, kadib muddo 11-sano ah oo uu golaha wakiillada guddoomiye u ahaa.

Guddoomiyaha oo ka hadlayey xaflad uu xisbigiisu ku qabsaday magaalada Berbera, ayaa halkaas kaga sheekeeyey oo caddeeyey inaan dib ugu noqonin dadkii soo doortay iyo goobo badan oo gobolkii laga soo doortay ee Saaxil kamid ah ilaa iyo uu mar kale codkooda u baahday.

Waxa uu Guddoomiye Cirro soo bandhigay inuu goobo badan oo gobolka Saaxil ah indhihiisu qabteen dhawr bilood ka hor markii ay diiwaangelintu ka socotay gobolkaas, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“anigu waxan kamid ahay dadka  deegaaka gobolka Saail, Saaxil waa gobolkii la iga soo doortay haddana berigii dhaweyd ee diiwaangelinta markii ugu horraysay ee aan Biyo-guure xaggaa bariga u dhaafo ayey ahayd ee aan tago Bariga Saaxil.”

Guddoomiye Cirro oo hadalkiisa sii wata, ayaa ka markhaati ka kacay dib udhac ballaadhan oo gobolkaas ka jira,

isla-markaana uu canaantiisa wax ku leeyahay,“Waxa ay indhahaygu soo arkeen wax aanan hore u arag oo u maqal, waxana aan soo ogaaday in dhulka Somaliland dhulka ugu horumar yari uu yahay Bariga Somaliland oo aad iskuulo lahayn oo waxba lahayn oo aan dawladnimadu gaadhin, dadka qaar baa nagu yidhi dawlad ba Ingiriiskii baa noogu dambaysay” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...