Xirsi Oo Farta Ku Fiiqay Saamayn Taban Oo Damaca Imaaraadku U Horseedayo Mustaqbalka Siyaasadeed Ee Somalialnd
“Berbera Ciidan Uma Baahna Oo Qori Intii Aynu Haynay Baynu Iska Xaraynay Oo Rabshadiisa Uma Baahnin Oo Soomaaliya, Ayaa Tusaale Inoogu Filan, Inaguna….” Hoggaamiye Xirsi Cali
Wasiirkii hore ee madaxtooyada, haatanna ah hoggaamiyaha xibsiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka digay hirgalinta saldhigga militeri ee dalka isu tagga imaaraadka Carabtu doonayo inuu ka samaysto magaalada Berbera, isla-markaana ay xukuumadda haatan joogta madax u ruxday.
Hoggaamiye Xirsi oo isaga oo ku sugan magaalada Berbera arrinta ka hadlay, ayaa si cad u sheegay inaanu waddanku xilligan u baahnayn arrimo dhinaca ciidamada ah, bale uu taas beddelkeeda u baahan yahay horumar cusub, isaga oo si gaar ah carraka ugu dhugtay magaalada Berbera oo la filayo in saldhigan laga hirgeliyo haddii uu qorshahaasi guulaysto.
Xirsi Cali Xaaji Xasan oo arrimahaas ka hadlaya, ayaa waxa uu yidhi, “Waxan maqlayaa dhawaaqa baxaya ee la leeyahay Berbera ciidan baa la keenayaa, laakiin Berbera iyo qaranku dagaal uma baahna, dhibaatona uma baahna, rabshadna uma baahnee horumar bay u baahan yihiin, Berbera waxa ay u baahan tahay in laydhka laga jabiyo oo la horumariyo oo waddooyin loo sameeyo oo biyaha waaheen loo qabto.”
Mudane Xirsi waxa uu sheegay in hubka ay ciidamadaasi lasoo gelayaan Berbera aanu wax faa’iido ah dalka u lahayn, maadaama oo bulshada reer Somaliland hubkoodii iska xareeyeen,“Berbera ciidan uma baahna oo qori intii aynu haysanay baynu iska xaraynay oo rabshadiisa uma baahnin oo Soomaaliya, ayaa tusaale inoogu filan, inaguna dalka in la horumariyo ayeynu u baahanahay” ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Saldhigga Militeri ee uu Imaaraadku doonayo inuu Berbera ka samaysto, ayaa waxa si aan kala go’ lahayn uga hadlaya siyaasiyiinta iyo waxgaradka kala duwan ee Reer Somaliland, waxana intooda ugu badani ka digayaan in saldhiggaas la hirgeliyo, iyaga oo cuskanaya inaan weli la caddaynin qorshaha saldhigaas iyo faa’iidooyinka qaranka ugu jira.