Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani) ayaa banaanka looga soo saaray kulan ka qabsoomay gudaha Qasriga Madaxtooyada.
Falkan oo dhacday maalintii shalay ee Khamiisti, waxa wakhtiga Wasiirka debadda loo saaray Madaxtooyada ku sugnaa saddexda Guddoomiye ee Xisbiyada Qaranka iyo xubnaha Komiinshanka Doorashooyinka Somaliland oo kulan la laha Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Siilaanyo .
Kulanka laga caydhiyay Wasiirka Warfaafnta, waxa ku ballansana Madaxweynaha oo ay wehelinayeen Madaxweyne ku-xigeenkiisa iyo Wasiirka Madaxtooyada oo dhinac ah, Guddoomiyaasha Saddexda Xisbi Qaran oo iyana dhinac ah iyo Xubnaha guddida doorashooyinka, mana jirin cid kale oo aan intas ahayn oo lagu casuumay kulankaas.
Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cadaani, ayaa isagoo u muuqda inuu khabar maafush ka yahay dhinacyada kulanku gaarka u yahay ee goobta ku ballansan wuxuu soo fadhiistay hoolkii shirka saddex geesoodka ahi ka furmaayay ee Madaxtooyada, markii uu badhida kursiga la helay ee wax cabaar ah la kaftanay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayay dhinacyadii kale ku wargaliyeen Madaxda Wasaaradda Madaxtooyada in Wasiir Cadaani oo aan kulanka qayb ka ahayn debadda loo saaro, intaas ka bacdina waxa debadda loo caydhiyay Wasiirkii Warfaafinta.
Cismaan Cadaani ayaa muddadii uu xilka ka hayay Xukuumadda Siilaanyo wuxuu siweyn ugu caanbaxay Guul wadayn xadka dhaaftay oo gaadhay inuu marar badan fagaarayaasha oohin ka qabsado, isla markaana hadalo caadifad leh ku tiraabo, balse waxa la tilmaama in aanu u miisaan cuslayn sida uu u guulwadeeyo.