Somaliland: “Waddani Dadka Ayaa Leh Ee Waa La Soo Kala Horeeyay Uun”Hoggaamiyaha xisbiga Waddani

Date:

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in Xisbiga Waddani qorshihiisi iyo qaab dhismeedkiisu u dhan yahay Doorashadana aanu ka baqayn ee uu kalsooni uu qabo haddii la qabto, balse xaalada taagan iyo abaarta jirta aan Doorasho la gali karin.

 

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa isagoo shalay ka hadlaya munaasibada ay u qabteen Taageerayaal ku soo biiray ayaa sidoo kale sheegay in Xisbiga Waddani cid walba oo ku soo biiraysa uu diyaar u yahay gacmo furana ku soo dhaweeynayo waxaanu ugu horeyn yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu hambaliyeynayaa Odayaasha iyo Akhiyaarta, Haweenka iyo Dhalinyarada dhammaantood halkan ka hadlay, ee sida farxada leh ee qiimo badan Xisbiga ku yimid, waanu soo dhaweeynaynaa, aad iyo aad baanu u soo dhaweeynaynaa, aad baanu ugu faraxsan nahay is garab taagiina, aad baanu runtii ugu faraxsan nahay gurmadkiina, aad baanu ugu faraxsan nahay ku soo biiristiina aad Xisbiga ku soo biirteen, waxaan leeyahay haddii aynu nabad qabno insha allaahu tacaala, wey muuqataayo gobonimadii uu tilmaamay, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Madaxweynuhu ALLA yarxamu, gobonimadii maanta wey muuqata, gobonimaduna qabiilka maaha ee waa garashada, waa garashada iyo garaadka aad ku garato, kaas ayaad isku qolo tihiin maaha waa kii dalka anfacaya, waa kii dadka anfacaya, waa kii umadda wax u taraya, waa kii umadda badbaadinaya, gobonimadii wey idinka muuqata, waxaanu leenahay soo dhawaada, aad iyo aad baanu idiin mahadinaynaa, idinku hambaliyeynaynaa, idinku heelan nahay, idin soo dhaweeynaynaa, insha allaahu tacaala weynu guulaysanaynaa, gacmaha ayeynu is qabsanaynaa”.

Hogaamiyaha Xisbiga Waddani mar uu ka hadlaayey in aan la kala halahayn Xisbiga ayaa yidhi “Xisbigani waa Xisbi  loo soo kala horeeyey, cid waliba waanu soo dhaweeynaynaa, xitta haddii uu Muuse Biixi inoo yimaado waanu soo dhaweeynaynaa, cid waliba waanu soo dhaweeynaynaa haddii ALLE ka dhigo, waa Xisbi loo soo kala horeeyey, soo dhawaada, insha allaahu tacaalana weynu guulayanaynaa”.

Hogaamiyaha Xisbiga Waddani mar uu ka hadlaayey Abaarta iyo Doorashada ayaa yidhi “Abaarta taagan ee dadka haysa, ee duuniyadii madhisay, duruuf adag baa taagan, daruuftaasi duruuf damiirkeenu ina tusayo iyo mooralkaygu durbaan aanu qaadano oo dadka aan ka dul qabsano, oo Doorashadii qabta aanu nidhaahno dadku ha madhee arintaasi maaha, waxaanu leenahay dadka aanu badbaadino, maalinta ay Doorasho inoo muuqatana, dadka ka muuqatana insha allaahu tacaala diyaar baanu u nahay, bari haddii la qabto maaha Waddani diyaar maaha, bari haddii la qabto Waddani waa diyaar, barnaamijkiisi waa tii xalay (habeen hore), halkan laga akhriyaayey, dhismihiisi uu u dhan yahay, qorshihiisu uu dhan yahay, laakiin se dadkii wax dooran lahaa ayaa tacbaan ah oo dhiban, Madaxtinimada sidii aan xalay tilmaamay looma doonayo in laba qof kursiga la geeyo ee umadda in la badbaadiyo ayaa madaxtinimada loo doonayaa, haddii umaddii la badbaadin lahaaba madhaynayso oo duuniyadii madhanayso, ma waxaynu nidhaahna laba qof aynu geeyno kursiga, maya, ninka aanu u wadno Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisuba waxay diyaar u yihiin maalinta ay ku haboon tahay inaynu kursiga geeyno laakiin waxay maanta diyaar u yihiin inay dadka badbaadiyaan,haddii Kursiga tagaan,  Kursiga wax kale ku dooni mayaan ee in dadka u shaqeeyaan, oo dalka u shaqeeyaan ayey ku doonayaan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...