Somaliland: Saylici oo Goleyaasha Degaanka Faray Inay ka soo Baxaan Waajibaadkii Loo Dooratay

Date:

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa u soo jeediyay golayaasha deegaannada goballada iyo degmooyinka dalka in si caddaalad ah ugu adeegaan dadweynaha soo doortay.

Madaxweyne ku-xigeenku, wuxuu sidaas ku sheegay mar uu shalay ka warbixinayay kulan uu la yeeshay Golaha Degaanka ee magaalada Hargeysa, waxaannu ku booriyay inay ka baxaan siyaasadda iyo qabyaaladda oo ay adeegyada ay bulshada u hayaan ka soo baxaan.

“Waxa muuqata in isbedal wayn uu ku sameeyay Golaha deegaanka Hargeysa, mashruuca maamul daadejinta ee JPLG awoodoodii xaga dhaqaale kobcinta,toban sanno ka hor dakhligeedu intii uu ahaan jiray, maanta wuu shan jeer laabmay. Waxa keenay awooda dawladaha hoose oo la dhisay iyo aqoonta oo kor loo qaaday.markaa xil wayn oo culus ayaa saaran golayaasha deegaanada oo loo doortay in hawsha halkaa ka wadaan weeye,”ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici.

Madaxweyne Ku-xigeenka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi,“Waxaan ku dardaarayaa dhammaan golayaasha degaanada dalka, sidii degmooyinka iyo magaalooyinka bilicdooda u hagaajin lahaayeen oo ay ka baxaan siyaasadda iyo qabyaalada iyo isdaba eryadka oo xilkooda ka soo baxaan ayaan kula dardaarmayaa. Waa in maayarrada iyo xoghayeyaasha dawladaha hoose shaqooyinka ay hayaana si siman oo caddaalad ah umadda ugu shaqeeyaan,khayraadka ay gacanta ku hayaana umadda u xaqsooraan haddii ay shaqaale tahay iyo haddii ay tahay qandaraasyo waxa looga baahan yahay in caddaalad ugu xaqsooraan shacabka.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...