Somaliland: Siyaasi Bakayle Oo Eedo Culus U Jeediyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Date:

Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Muuse(Bakayle) oo katirsan siyaasiyiinta waaweyn ee reer Somaliland, ayaa eedo kulul u jeediyey guddida doorashooyinka Somaliland, waxana uu tilmaamay in warbixintii ay laba maalmood ka hor axsaabta qaranka usoo bandhigeen ahayd mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Siyaasi Bakayle oo u warramay Telefishanka Star, ayaa hoosta ka xarriiqay in tiro-koobkii ay komsihanku ku sheegeen in dadkii codayn lahaa intoodii badnayd barko kaceen ahaa mid aan la hubin oo male awaal ahaa,“Komishanku marka uu leeyahay 57% baa dadkii isdiiwaangeliyey maqan, waxanse leeyahay waraaqihii ay dadku isku diiwaangeliyeen bay haystaan, marka ay kaadhadhka qaybiyaan ayey sheegi karaan inta maqan way sheegi karaan oo waxa ay odhan karaan meesha waa laga maqan yahay, laakiin iyaga oo aan arag inay yidhaahdaan inay wax iska qiyaastaan waa rabshad u jeed, komishankana waxan leeyahay taas dib ha uga noqdaan” ayuu yidhi siyaasi Cabdilaahi Bakayle.

Hadalka siyaasi Bakayle, ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan ay komishanka doorashooyinka Somaliland hoggaanka axsaabta qaranka u sheegeen in tiradii ugu badnayd ee dadka la doonayo inay doorashooyinka soo socda ka qayb qaataan abaaro jira darteed u baro kaceen, isla-markaana aan codkooda lagu xisaabtami Karin.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...